Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), ayaa Shaaca ka qaaday inay markii ugu horreysay Somaliland ku guulaysatay inay ka qayb-gasho Tartan Kubbadda Cagta ah oo heer caalami ah

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), ayaa Shaaca ka qaaday inay markii ugu horreysay Somaliland ku guulaysatay inay ka qayb-gasho Tartan Kubbadda Cagta ah oo heer caalami ah, isla markaana ka dhici doona waddanka Britain dabayaaqada Bishan April ee aynu ku jirno ee 2015-ka.

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA SOMALILAND MAXAMED DHABBEEYE

Agaasimaha guud oo Maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa ka faahfaahiyey tartankaas iyo qaabka Somaliland ay uga qayb-galayso, waxaanu yidhi; “Waxaan maanta halkan isugu kiin yeedhay inaan ka war-bixiyo tartan heer caalami ah oo Somaliland markii ugu horreysay ay ka qeyb-geli doonto tartan Kubbadda Cagta ah oo ka qabsoomaya dalka Ingiriiska.”

“Tartankaas oo ay ka qeyb-geli doonaan illaa labaataneeyo kooxood oo waddamada Afrikanka ah u badan magaciisana la yidhaahdo African Nations Cup ujeedadiisuna tahay dadyawga adduunka iyo qoomiyadaha la isku dhex-galiyo oo lagula dagaalamo midab takoorka iyo cunsuriyada. Waxaana arrintaas dagaal weyn ka galay dhallinyaro reer Somaliland ah oo degan dalka Ingiriiska oo uu ugu horeeyo wakiilka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dalka UK Jaamac Olol iyo Asxaabtiisa.” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Dhabeeye.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo sharraxaya dalalka ay Somaliland isku kooxda yihiin, waxa uu yidhi; “Isku aadka tartankan oo maalintii Jimcihii lagu sameeyay garoonka weyn ee Wembley Stadium, iyada oo laga sii daayay Telefishano caalami ah oo uu ka mid yahay Sky Sportd Tv waxaana halkaas ka muuqata in Somaliland ka qeyb-gasho tartan heer caalami ah oo kubadda cagta ah oo markii ugu horeysay dadka reer Somaliland iyo calankoodaba laga dhex arko dalal kale oo waa weyn oo adduunka ka mid ah. Waxaana Somaliland ay la Group tahay wadamada Nigeria, Kenya, Brundi iyo Rwanda. Waana 20 kooxood oo afar group ah, waxaana tartankaasi uu bilaabmi doona 30-ka bishan.” ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ayaa u mahad-naqay dhallinyarta reer Somaliland ee ku guuleystay in tartankan Somaliland ka qeyb-gasho, ka wasaarad ahaana ay la garab taagan yihiin hiil iyo hooba, waxaanu yidhi; “Waxaan u mahad-naqaya una hambalyeynayaa dhallinyarada reer Somaliland ee ku nool wadanka UK ee dedaalkaas samaysay, mana aha markii ugu horeysay ee Jaamac Olol iyo kooxdiisu ay sameeyaan waxaa jiray dedaalo hore oo fara badan oo ay isku dayeen oo ay ka mid tahay inay culeys saareen xidhiidhada kala duwan ee adduunka.”

“Sida xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA wadamada kale ee Yurub-na iyo dalal kale oo badana qadiyada iyo Sports-ka Somaliland ay gaadhsiiyeen, waanu ku hambalyeynaynaa dedaalkaas ay muujiyeen ka wasaarad ahaana waxaanu ballan-qaadayna in wixii guubaabo iyo garab-gal ahba inaanu diyaarin doono wixii nagaga soo gudboonaado, waayo waa guul weyn in markii ugu horeysay in calanka Somaliland laga taago garoonka weyn ee Wembley, waxaana faraya bulshada reer Somaliland ee ku nool UK inay taageero la garab istaagaan oo ay ka qeyb-galaan kulamada ay ciyaarayaan.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Axmed.

Tartankan ka qaybgalkiisa Somaliland, ayaa maalmihii u dambeeyay waxa laga dheehanayay qaar ka mid ah Warbaahinta dalka iyo Baraha Bulshadu isku aragto ama ku kulanto ee Internet-ka gaar ahaan Shabakadaha Facebook iyo Twitter-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com