Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jaamacadda Hargeysa ayaa maanta heshiis la saxeexatay Jaamacad lagu magacaabo Western University

April 11th, 2011
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Jaamacadda Hargeysa ayaa maanta heshiis la
saxeexatay Jaamacad lagu magacaabo Western University oo xarunteedu
tahay dalka Australia. Heshiiskan oo ay goob-joog ka ahaayeen
masuuliyiin ka kalla socoday labada Jaamacaddood ayaa nuxurkiisa lagu
sheegay mid isku xidhaya labada Kuliyadood ee Caafimaadka
Jaamacadahan. Islamarkaana, ay iskaga kaashan doonaan dhinaca
cilmibaadhista iyo cilmiga.
Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa Prof. Mubaarik Ibraahim Aar
oo ka hadlay kulanka heshiiska labada jaamacadood ku kala
saxeexanayeen ayaa tilmaamay in ay soo dhaweynayaan heshiiskan.
Islamarkaana ay dani ugu jirto Ardayda. waxaana hadalkiisa ka mid ahaa
oo uu yidhi “Heshiiska wada-shaqayneed waxaa kala saxeexanaya
Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacadda University Western of Australia.
Waxaana Jaamacaddaas ka socda Prof. David Allbrook oo muddo dheer ku
soo dhex-jiray hawlan waxbarashada, Jaamacadda Hargeysana muddo dheer
kala shaqaynayay…heshiiskan la kala saxeexanayaa waxa uu si gaar ah
u saameynayaa oo wada-shaqayn doona oo si gaar ah isugu xidhnaanaya
labada kulliyadood ee caafimaadka ee labada jaamacaddood.”
Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sharraxaad ka sii bixiyey qodobada uu
heshiisku ka kooban yahay, waxaana uu yidhi “Qodobada lagu heshiiyey
oo shan ka kooban, waxa kow ka ah in labada Jaamacadood macalimiinta
iyo hawlwadeenada ay is waydaarsadaan, in macalimiinta la is
waydaarsado, in cilmi-baadhisooyin la wada sameeyo, in agabta
waxbarashada la is waydaarsado. Run ahaantii heshiiskani waa wax
Jaamacadda Hargeysa ay u baahnayd.”
Waxa isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyey Prof. David Allbrook oo
ka wakiil ah Jaamacadda University Western of Australia, isaga oo
sheegay inuu aad ugu han-weyn yahay heshiishkan wada-shaqayneed ee
dhex-maraya labada Jaamacadood ee University of Hargeisa iyo
University Western of Australia.

xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com