Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Maaliyada Ee Somaliland Oo Baryahanba Xaalad Caafimaad Darteed Ugu Jiray Cisbitaal Ku Yaalla Magaalada Jabuuti Oo Maalinta Bari Ah La Filaayo Inuu Dalka Dib Ugu Soo Laabto


Jabuuti (maantasoomaalilaand) Dec, 16. 2010- Wasiirka maaliyada ee JSL Md Maxamed Xaashi Cilmi oo muddooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad ugu jiray cisbitaal ku yaala magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jamhuuriyada Jabuuti, ayaa la filayaa in maalinta bari ee Khamiista ah uu dalka dib ugu soo laabto, ka dib sida la sheegay markii ay xaaladiisa caafimaad aad u soo wanaagsanaatay ama ka soo raysay.

Warkan sheegaya imaanshaha ama ku soo guryo noqoshada bari ee dalka Wasiirka Maaliyada ee Somaliland ku iman doono dalkiisa hooyo oo ay u xaqiijiyeen Shabakedda Wararka ee   maantasoomaalilaand ilo wareedyo aad loogu kalsoon yahay, isla markaana si toos ah u la socday xaaladiisa caafimaad kolba halka ay marayso intii muddada ahayd ee xaalada caafimaad ugu jiray cisbitaalka magaalada Jabuuti, ayaa noo xaqiijiyey in bari oo Khamiis ah uu dalka dib ugu soo laabanayo Wasiirku, ka dib sida ay ilahani noo sheegeen xaaladiisa caafimaad ay aad uga soo raysay.

Warku wuxuu intaas ku daray in xaalada caafimaad ee Wasiir Xaashi hada aad u wanaagsan tahay, isla markaana aanu cisbitaalka muddo dhawr cisho ahba aanu ku jirin, isagoo sida ay ilahani noo sheegeen ku guda jiray maalmahan u dambeeyey hawlo shaqo oo isaga u gaar ah.

Wasiir Md Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa isaga mar qudha waxa ku soo booday xanuun ka abaaray dhinaca wadnaha daba-yaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay, xanuunkaas oo sababay in Wasiirka ay Xukumada Somaliland u la cararto cisbitaal dalka dibediisa ah, kaasoo la dhigay cisbitaal ku yaala caasimada Jabuuti oo hawlo caafimaad loogu fulinayey ilaa inta uu Wasiirku ka soo ladnaanayo xanuunka haleelay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com