Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantasomaliland .com )- Jaamacadda Golis oo ka mid ah jaamacadaha reer Somaliland ee sida gaarka ah loo leeyahay, gaar ahaan kuliyadda caafimaadka jaamacadda, ayaa iskaashi caalami ah la samaysay 25 jaamacadood oo ku kala yaal 4 qaaradood oo adduunka ah, iyada oo ardayda waxka bartay Golis University ay ku biiri karaan jaamacadaha ay iskaashiga la sameeyeen.

Hargeysa (maantasomaliland .com )- Jaamacadda Golis oo ka mid ah jaamacadaha
reer Somaliland ee sida gaarka ah loo leeyahay, gaar ahaan kuliyadda
caafimaadka jaamacadda, ayaa iskaashi caalami ah la samaysay 25 jaamacadood
oo ku kala yaal 4 qaaradood oo adduunka ah, iyada oo ardayda waxka bartay
Golis University ay ku biiri karaan jaamacadaha ay iskaashiga la sameeyeen.
Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka iskaashiga caalamiga ah ee
dhexmaray Jaamacada Golis iyo 25 ka jaamacadood ee ku yaal qaaradaha
adduunka oo 17 ka mid ahi ku yaalaan wadanka Shiinaha, ayaa lagu
qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, xafladaasi oo ay ka
qaybgaleen wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi
Aadan, agaasimaha baratakoolka madaxtooyada Md. Maxamed Cilmi, agaasimaha
samafalka madaxtooyadda Marwo Aamin Maxamuud Diiriye, masuuliyiin ka socday
saddexda xisbi qaran, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro),
Guddoomiyaha Jaamacadda Golis Prof. Siciid Axmed Xasan, aqooonyahanno,
martisharaf kale oo lagu casuumay, Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel,
waalidiinta iyo ardayda jaamacadda wax ka barta.
Ugu horrayn waxa xafladda lagu soo bandhigay warbixino iyo muuqaalo kala
duwan oo la xidhiidha horumarka 25 jaamacadood ee ku takhasusay dhinaca
caafimaadka iyo dhakhtarnimada ee kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Golis
xidhiidhka caalamiga ah la samaysay oo ku kala yaal Maraykanka, Shiinaha,
Philiphines, Hindiya, Netherlands iyo Guyana, iyada oo maamulka Jaamacadda
Golis waalidiinta, ardayda iyo masuuliyiinta xafladda ka qaybgalay u
sharaxay qaabka ay u shaqeeyaan jaamacaddaha ay xidhiidhka la sameeyeen oo
ay ku sheegeen inay yihiin kuwa ugu fiican marka laga hadlayo dhinaca
caafimaadka iyo dhakhtarnimada.
Guddoomiyaha Jaamacadda Golis Prof. Siciid Axmed Xasan oo hadal ka jeediyey
xafladdaasi, waxa uu sheegay in Jaamacadda Golis, gaar ahaan kuliyadda
caafimaada oo muddo yar jirtay ay gaadhay horumar ballaadhan, isla markaana
mudadaas yar xidhiidho iskaashi oo caalami ah la samaysay jaamacado badan oo
ku kala yaal caalamka, isaga oo xusay in ardayda sannadaha hore caafimaadka
iyo dhakhtarnimada ka barta Jaamacadda Golis ay si toos ah ugu biiri karaan
25 jaamacaddood ee ay iskaashiga la sameeyeen, isla markaana ay qaadan
karaan liisanka aqoonsiga dhakhtarnimo oo ay kaga shaqaysan karaan dalalka
Yurub iyo Maraykankaba.
Waxa kale oo Guddoomiyaha Jaamacadda Golis xusay in ardayda wax ka barta
jaamacadoodu shaqo galaan, isaga oo arrintaasna ku sababeeyey inay marka
hore ardayda baraan waxayaabaha wadanku u baahan yahay. “Kuliyadaha kala
duwan ee Jaamacadda Golis ardayda ka baxdaa way shaqo galaan oo hore ayaanu
uga sii fikirnay in aanu ardayda barno waxa dalku u baahan yahay, kadibna
waxaannu ka fikirnay in ardayda ka baxda Jaamacadda Golis u baahan yihiin
aqoonsi caalami ah oo ay helaan si ay dunida kale wax ula qaybsadaan, sidaa
daraadeed ayaanu xidhiidh iskaashi oo caalami ah ula samaynay 25 jaamacadood
ee ku kala yaal afarta qaaradood, iyada oo ardaydu jaamacadahaas ka qaadan
doonaan aqoonsi dhakhtarnimo oo ay kaga dhex shaqaysan karaan Ameerika,
Ustareeliya iyo Yurub. Arrintaasina Somaliland iyo Golis-ba guul bay u
tahay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Golis ee Somaliland.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada
waaweyn ee reer Somaliland oo isaguna xafladaas kan hadlay, ayaa ammaan
xooggan u jeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda Golis ku sifeeyey inuu yahay
aqoonyahan dhisan oo dalka iyo dadkaba wax tari kara, isaga oo xusay inuu
aad ugu faraxsan yahay heerka Somaliland maanta ka gaadhay aqoonta iyo
waxbarashadda. Waxaannu tilmaamay inuu yahay aabo 9 carruur ah haysta oo
jecel in carruurtiisa iyo carruurta kale ee reer Somaliland dalkooda wax ku
bartaan.Waxa Sheekh Aadan Siiro ku baaqay in la tayeeyo waxbarashadda iyo
tacliinta dalka, isaga oo ardaydana ku dhiirigeliyey inay ka adkaadaan
tacliinta iyo waxbarashadooda.
Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo
iyaduba xafladda loo sameeyey iskaashiga Jaamacadda Golis la samaysay 25
jaamacadood ee ku kala yaal afarta qaaradood, ayaa ammaan u jeedisay
maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Golis oo ay ku tilmaantay inay kaalin
fiican kaga jiraan waxbarashadda dalka. Waxayna Marwo Samsam Cabdi Aadan
ballanqaaday inay ku dedaali doonaan sidii loo tayeyn lahaa tacliinta
Somaliland, isla markaana ku dedaali doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa
aqoonta da’yarta si horumar loo gaadho, iyada oo bulshadda ugu baaqday in
laga wada qaybqaato dedaalka loogu jiro tayeynta iyo sare u qaadida
waxbarashadda.
Agaasimaha samafalka madaxtooyadda Marwo Aamin Maxamuud Diiriye oo iyaduna
xafladaas hadal ka jeedisay, ayaa ballanqaaday inay xukuumad ahaan
Jaamacadda Golis la qaban doonaan wax alla wixii ay dawladda uga baahdaan,
isla markaana ku garab istaagi doonaan dedaalka jaamacadu ugu jirto tayeynta
waxbarashadda Somaliland.
Siciid Xuseen Yusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com