Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaanada Baarlamaanka Awdal Oo Si Adag uga soo horjeestay Abaabul Ay Wadaan Xubno Qurbo-joog Ahi dhir jaraaid oo ay maanta hargaysa ku qabteen April 12th, 2011 Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xildhibaanada Gobolka Awdal kaga jira Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa waxay si adag u naqdiyeen qaar ka mid ah qurbo jooga reer Awdal oo wada dhaqdhaqaaqyo ku lid ah Somaliland oo ay ku doonayaan inay maamul gaar ah kaga dhawaaqaan gobolkaasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Awdal Oo Si Adag uga soo horjeestay Abaabul Ay Wadaan Xubno Qurbo-joog Ahi dhir jaraaid oo ay maanta hargaysa ku qabteen [SlideDeck id=’1598′ width=’100%’ height=’300px’]

April 12th, 2011
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xildhibaanada Gobolka Awdal kaga jira Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa waxay si adag u naqdiyeen qaar ka mid ah qurbo jooga reer Awdal oo wada dhaqdhaqaaqyo ku lid ah Somaliland oo ay ku doonayaan inay maamul gaar ah kaga dhawaaqaan gobolkaasi.
Xildhibaanadaasi oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa waxa kale oo ay ka warameen kulan ay la yeesheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa kaas oo ay ugu gudbiyeen warbixin qoraal ah oo salka ku haysa tabashooyin ay Beelaha Samaroon qabaan.
Axmed Maxamuud Axmed Barre (Garaad), oo ka hadlay shirkaasi wuxuu yidhi “Waa ILAAHAY ma haddii Somaliland waxay ku nooshahay nabad waxaanay hiigsanaysaa inay wadamada caalamka la mid noqoto, Anagu haddii aanu nahay reer Awdal waxaanu ka mid nahay dadkii u soo halgamay Somaliland Jiritaankeeda illaa wakhtigii xornimada, hormuudna waanu ka ahayn haddii aanu beelaha Samaroon nahay.
Somaliland qaranimadeeda Anaga nalooma soo waaridin ee anaga ayay naga timid, waxaana aanu ahayn cidii ugu horaysay ee Ingiriiskii heshiis la gashay, taasi waxay u muujinaysaa siday qaranimada uga midaysan yihiin beelaha wada dega Somaliland oo dhami, sidaasi awgeed, waxaanu leenahay walaalahayaga qurbo jooga ah waxba kama jiraan waxna kama soconayaan waxan aad wadaan, dadweynaha reer Awdal 1991-kii ayay ka tashadeen aayahooda waxaanay ku nool yihiin qaranimo gaar ah.”
Axmed Maxamuud (Garaad) waxa uu ka hadlay kulankii la yeesheen Xildhibaanada Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtidu la yeesheen Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland waxaanu yidhi “Waxaanu maanta kulan la yeelanay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland waxaanu kala hadlay oo u gubinay tabashooyinka jira ee beeshayadu qabto, sidaasi awgeed nimanka ku hadaaqaya Awdal Land ee qurbo jooga ah waxaanu uga digaynaa inay ku hadlaan magaca gobolka Awdal, waxaana aanu leenahay waxaas aad wadaan ma aha siyaasada beesha Samaroon.”
Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac (Cabdi Gaagaale) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Awdal ayaa sheegay in shacbiga Gobolka Awdal aanay marin habaabin Karin shakhsiyaad qurbo joog ah oo aan ka war haynin xaalada dalka.
“Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii qaranimada Somaliland wax ka dhisay ee ka qeyb galay shirarkii dib u heshiisiinta oo dhan, waxaanu leenahay reer Awdal waa reer Somaliland cidna uma dabo fadhiisanayaan qaranimadooda waxaanay waligood ahaanayaan Somaliland,”ayuu yidhi Md. Cabdi Gaagaalle waxaanu intaasi ku daray “Reer Awdal waxay dalkan ka soo noqdeen Madaxweyne oo waxay dalka xukumayeen sideed sanadood, imikana waxay ka yihiin Madaxweyne Ku Xigeen, labaatankaasi sanadood ee Somaliland jirtay marna waxay ahaayeen Madaxweyne marna Madaxweyne Ku Xigeen.”
Chief Caaqil Xasan Daahir Xaddi oo ka hadlay shirkaasi wuxuu yidhi “Waxa jiray beryahan dambe dhawaaqyo soo bax baxay oo ka soo yeedhayay dad dibada jooga, waxaanu leenahay bulshada reer Awdal sharaftooda iyo karaamadoodu waxay ku jirtaa Somaliland.maanta waxaanu la kulanay Madaxweynaha Somaliland kollay tabasho way imanaysaa waana aanu u gudbinay tabashadayada, wixii gobolku tabanayana waxa uga wakiila Mudaneyaasha la soo doortay ee Goleyaasha Baarlamaanka, waxaanu leenahay nimankan waxaan bulshada reer Awdal ka soo bxin ku hadlaya waar haddii aad tihiin dad waxtar leh sida qurbo jooga gobolada kale ee Somaliland gobolku horumar buu u baahan yahay wakhtigana waxaaba lagu jiraa abaaro ee dadkiina soo caawiya.”
“Dadka reer Awdal waa reer Somaliland ah cidna uga dabo-fadhiisanayaan, qaranimada Somaliland-na waa muqadas cid saxar ku tuurtana ma ogolin, waxaana aanu ka xignaa cidii Somaliland wax yeesha dhimasho,”ayuu yidhi Chief Caaqil Xasan Daahir Xaddi.
Xildhibaan Daahir Cali Jaamac oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay wax Awdal State la yidhaahdaa ma jirto, nimanka waxaas shaqada ka dhigtana waa la yaqaanaa waana qaar jooga dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, waxaanu leenahay Awdal kuma taallo muqdisho iyo Baydhabo ee waxay ku taallaa Somaliland oo ay wax la leedahay. Haddii aanu nahay xildhibaanadii Gobolka Awdal bulshada Somaliland xaal ayaanu ka siinaynaa waxa ka soo yeedhay qurbo joogaasi waana nasiib darro.”
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Xildhibaan Bashiir Abubakar Good, oo ka mid ah Golaha Wakiilada waxaanu sheegay inaanay shacbiga Gobolka Awdal aanay taageersanayn isla markaana waxba ka ogayn wax uu ku tilmaamay xubno qurbo joog ah oo ku hadaaqaya wax la yidhaahdo Awdal State.
Sidoo kale, waxa shirkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habanne Iyo Mudane Mahdi Gees oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee laga soo doortay gobolka Awdal, waxaanay sheegeen inaanay waxba ka jirin abaabul ay wadaan qurbo jooga reer Awdal qaar ka mid ahi oo ay ku sifeeyeen qaar ay ka dambeeyaan shakhsiyaad dano gaar ah lihi.

hargaysa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com