Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Natiijada shirka Nairobi Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga ayaa shirka soo qaban qaabiyay Shirkii wadatashiga arrimaha Somalia oo ay soo qabanqaabisey qaramada midoobey ayaa galabtab lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Natiijada shirka Nairobi

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga ayaa shirka soo qaban qaabiyay

Shirkii wadatashiga arrimaha Somalia oo ay soo qabanqaabisey qaramada midoobey ayaa galabtab lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaasi oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno ka socdey baarlamanka Somalia, maamulada Puntland, Galmudug, Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo wakiilada beesha caalamka.

Dhinacyada Soomaalida ee shirka ka soo qeybgalay ayaa waxa ay isku af garteen in baarlamaanka Soomaaliya loo kordhiyo laba sano, iyo in la qabto doorasho Madaxweyne, Guddoomiye baarlamaan iyo ku xigeenadiisa ka hor bisha August ee sanadkan oo ay ku egtahay xilliga dowladda.

Waxaa shirka ka baaqsadey maamulka DKMG ee Somalia ee Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Raisul Wasaare Maxamed Abdullahi Mohamed.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in shirku ahaa wada tashi arrimaha Soomaaliya oo ay ku casuumeen Madaxweynaha, Golah Wasiirada iyo baarlamanka.
Xigasho BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com