Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wefti Ka Socda Urur-gobolleedka IGAD oo Shalay Booqday Dugsiga Xannaanada Xoolaha Sheekh

Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha gaarka ah ee Urur-goboleedka IGAD Eng. Mahboub Maalim oo dalka soo gaadhay todobaadkan, ayaa shalay booqasho ku tegay dugsi-goboleedka Xannaanada Xoolaha ee ku yaalla Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.
news: IGAD1.JPG
Weftiga oo ay wehelyeen Wasiiradda Xannaanada Xoolaha iyo Beeraha, ayaa la sheegay in safarkooda Dugsiga Sheekh la xidhiidho qorshe uu Ururka IGAD kula wareegayo Dugsiga xoolaha Sheekh oo ay gacanta ku hayso Hay’adda Terra Nuova oo gacan ka hesha dalalka midowda Yurub, dawladaha Netherland iyo Talyaaniga, haseyeeshee la sheegayo inay immika si buuxda ula wareegi doonaan urura IGAD ee ay ku bahoobeen dalalka Kenya, Somalia, Ethoipia iyo Djibouti.
news: IGAD3.JPG
Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD  Eng maxbuub, ayaa ujeedada socdaalkooda ku sheegay in sidii qorshe kala wareejineed oo jaamacada xanaanada xoolaha lagu wareejin lahaa A-U  taas oo ay wadaan qorshe jaamaacada xaanada xoolaha ee degmada sheikh lagu wareejinay urur goboleedka  A-U IBER  taas oo lagala wareegayo hayada TERANOVA oo muddo toban sanno ah gacanta ku haysay.

Dugsiga Xanaanaada xoolaha ee degmada sheikh waxa wax ka barta arday tiro badan oo ka kala yimi waddammo badan oo Geeska Afrika ku yaalla, waxaana ka qallin-jebiyay afar lod oo intooda badina ay ka shaqeeyeen maxrajyada xoolaha Berbera oo markii hore loo la’aa dhakhaatiir xoolaha ah door wayna ka qaatay dawaynta iyo baadhitaanka caasifaamda ee xoolaha ka dhoofay Dekeda Berbera.
xusseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com