Dagaal Gacanta La Isula Tagay Oo Ka Dhacay Hotelka Maansoor Oo Ay Socotay Dood Lagaga Hadlayay Furashada Ururada iYo Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Qaswadayaal Ah.
Dagaal………….
Dagaal Gacanta La Isula Tagay Oo Ka Dhacay Hotelka Maansoor Oo Ay Socotay Dood Lagaga Hadlayay Furashada Ururada iYo Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Qaswadayaal Ah.
Hargeysa (Raamas) Apr.13, 2011 – Dagaal gacmaha la isula tagay ayaa ka bilaabmay hotelka Maansoor goor dhawayd wakhti ay hotelka ka socotay dood ku saabsan furashada ururada oo ay qabanqaabiyeen siyaasiyiin doonaya in ay samaysataan ururo siyaasadeed, iyada oo ciidamo tiro badan ay dawladu u dirtay goobtaas.
Rabshadan ayaa la sheegay in ay bilaabeen dhalinyaro la sheegay in ay soo abaabuleen xubno ka soo horjeeda furashada ururada oo doonayay in carqaladeeyaan dooda oo ay ka qaybgalayeen dad magac ku leh siyaasada iyo ardayda jaamacadaha, iyada oo dhaawacyo loo gaystay qaar ka mida dadkii madasha ku sugnaa oo hadda lagu daawaynayo cisbitaalada Magaalada, waxaana ay ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen ilaa afar qof oo ka mida rabshad wadayaal.
Lama oga cida rasmi ahaan ugu dambaysa falkan oo ah mid ku cusub masraxa siyaasada Somaliland, laakiin warar qaar ayaa tibaaxay in ay dhalinyarada rabshada sameeyay uu soo abaabulay mid ka mida saddex xisbi ee wadanka ka jira oo hogaankiisu caddeeyay in ay ka horjeedaan in la furo ururo siyaasadeed.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.