Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Arsenal Oo Markii Labaad Oo Isku Xiga Ku Guulaystay Koobkii 12aad FA Cup-ka Ingiriiksa,+SAWIRRO.

Kooxda Arsenal ayaa dhigtay rikoor cusub, kadib markii ay hanatay koobkii 12aad ee FA Cup Ingiriiska oo ah Koob qadiimi ah, iyadoo markii labaad oo isku xigta hanatay.

Arsenak ayaa 4-0 uga badisay kooxda Aston Villa oo Sema Finalka ku soo reebtay kooxda Liverpool, waxaana ciyaartan Final-ka ay ka dhacday garoonka Wembley.

Ciyaartoyda Arsenal oo uu moraalkooda aad u wanaagsanaa ayaa garoonka ku soo galay, si taxadar iyo kalsooni jirtay, waxaana durba ay bilaabeen inay fursado abuuraan, iyagoo bilowgii ciyaarta goolal dhowr ah sigay.

Fursadii ugu qaalisaneyd ayaa aheyd kubad uu madax ku gamay Koscienly, waxaase si layaab leh uga bad baadiyay goolhaye Shay Given.

Ciyaaryahan Theo Walcott ayaa hogaanka u dhiibay ciyaarta daqiiqadii 40aad shan daqiiqo ka hor inta aan qeybta labaad la aadin, waxaana uu ahaa gool aad u qurux badnaa, iyadoo Walcott si aad ah u dabaal degay, isagoo hor-tagay taageerayaasha Arsenal.

Qeybtii labaad ayaa markii la isku soo laabtay Arsenal ayaa goolkeeda labaad dhalisay, waxaana u saxiixay Alexis Sanchez, waxaana uu ahaa gool aad u quruxnaa, kadib markii uu kubadda ka tuuray meel 30-yard u jirta goolka.

Arsenal ayaa wixii markaas ka dambeysay sidii daadka oo kale ugu fatahday Aston Villa, waxaana ay dhaliyeen goolkooda saddexaad, kaasoo uu madax ugu dhaliyay ciyaaryahan Mertsacker.

Bandhiga Goolasha ee Arsenal waxaa soo xiray ciyaaryahan Olivier Giroud, kaasoo ciyaarta bedel ku galay, waxaana uu goolka dhaliyay dhamaadkii ciyaarta.

Tababare Arsene Wenger ayaa Arsenal u qaaday Lix Jeer, waxaana Arsenal ay noqotay kooxda ugu koobabka badan FA Cup-ka

By C/casiis Golf

arsenal guul (1)arsenal guul (2)arsenal guul (3)arsenal guul (4)arsenal guul (5)arsenal guul (6)arsenal guul (7)arsenal guul (8)arsenal guul (9)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com