Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

April 14th, 2011 Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hor intii aanu dalka ka dhoofin wuxuu xilkii ka qaaday Agaasimihii guud ee wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare Cali Maxamed Cali iyo Maareeyihii Ha’yada Korontada Xasan Cismaan Aadan. Waxa kale oo Madaxweynuhu uu xilalkaasi u magacaabay laba masuul oo kale, sida lagu sheegay laba warsaxaafadeed oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada. Warsaxaafadeedka Xilka qaadista labadaasi masuul wuxuu u dhignaa sedan:

April 14th, 2011
Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hor intii aanu dalka ka dhoofin wuxuu xilkii ka qaaday Agaasimihii guud ee wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare Cali Maxamed Cali iyo Maareeyihii Ha’yada Korontada Xasan Cismaan Aadan.
Waxa kale oo Madaxweynuhu uu xilalkaasi u magacaabay laba masuul oo kale, sida lagu sheegay laba warsaxaafadeed oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada. Warsaxaafadeedka Xilka qaadista labadaasi masuul wuxuu u dhignaa sedan:
“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne Xilalkii kaga Qaaday Maareeyaha Hay’adda Korontada JSL. Mudane, Xasan Cismaan Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare Mudane, Cali Maxamed Cali. Waxaanu Madaxweynuhu Xilka Qaadistiisa ku yidhi Sidan:- Ka dib markii cabasho isdaba-joog ahi ay ka timi kaalintii shaqo ee aad qaranka u hayseen waxaan gartay in aan xilalkii idinka qaado, una magacaabo cid kale oo xilkaa hanan karta, Aniga oo idinka Mahad celinaya mudadii aad shaqada u soo hayseen Qaranka. Madaxweynuhu waxaa uu farayaa Wasiiradda wasaaradda hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka iyo Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare in ay Afartaa masuul u kala wareejiyaan xilalka mareeyaha Hay’adda Korontada ee JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare.”
Dhinaca kale,waxa warsaxaafadeedka lagu magacaabay masuuliyiinta cusub uu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magaacabay laba Masuul oo kala ah Maareeyaha Hay’adda Korontada JSL. iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare. Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi, Sidan:- Markuu Arkay: Qodobka 90-aad, faqradiisa 3-aad, Xarafka(KH) ee Dastuurka JSL. Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Korontadu u leedahay Dhismaha Qaranka. Markuu Arkay: In baahi loo qabo Buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Korontada. Markuu ka Fiirsaday: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hufnaantiisa Shaqo. Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo Xilkan loo Magacaab
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com