Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo U Kicitimay Kuwayt Iyo Imaaraadka Carabta
Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo U Kicitimay Kuwayt Iyo Imaaraadka Carabta
April 14th, 2011
Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay socdaal shaqo oo uu ku tagay lugtii ugu horaysay ee uu ugu baqoolo dunida carabta tan iyo markii la doortay doorashadii dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay.
Madaxweynuhu wuxuu saaka ka dhoofay madaarka Berbera waxaanu u kicitimay dalalka Kuwayt iyo imaaraadka carabta.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay Saxaafada wuxuu sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi iyo wax wada qabsi ee Somaliland la leedahay dalalka carabta.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in labada dalba uu ka helay marti qaad rasmi ah isla markaana uu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta wadamadaasi oo uu kala hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu tilmaamay inuu kala hadli doono masuuliyiintaasi sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo sidii maal qabeenada dalalkaasi ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu madaarka Berbera salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, waxaana sii sagootiyay Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Ganacsiga Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Chief of Cabinet-ka Md. Xirsi Cali X. Xasan, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.waxaanu sii raacay diyaarad khaas ah oo ay u keentay dawlada Kuwayt
maxamed dhukur
maantasomaliland.com
hargaysa.