Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Xukuumaddii Rayaale Oo Hargeysa Ka Bilaabay Olole Uu Doonayo Inuu Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqo Urur Siyaasadeed La Baxay (PDP) Oo Uu Maanta Qaybiyey Qoraalo Sharaxaya + Dareenada Jira.
Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Xukuumaddii Rayaale Oo Hargeysa Ka Bilaabay Olole Uu Doonayo Inuu Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqo Urur Siyaasadeed La Baxay (PDP) Oo Uu Maanta Qaybiyey Qoraalo Sharaxaya + Dareenada Jira.
Hargeysa (Ramaas) Apr.14, 2011 – Wasiirkii Hore Wasaaradda Arimaha gudaha Somaliland ee wakhtigii xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin Md Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yarre) ayaa Magaaladda Hargeysa ka bilaabay olole uu ku doonayo inuu ku dhawaaqo urur siyaasadeed.
Md Ismaaciil Aaden Cismaan, ayaa maanta la arkayay isaga oo huteeladda waawayn ee caasimadda ku qaybinaya waraaqo (brochures) ay ku qoran yihiin magaca urur siyaasadeedka uu doonayo inuu ku dhawaaqo, kaas oo magaciisu yahay (Peace & Development Party) oo loo soo gaabiyey PDP, astaantiisu ay tahay calan midabka Akhtarka ah oo bil iyo xidig dhexda kaga taalo.
Ismaaciil Aaden Cismaan, ayaa sidoo kale xalay munaasibadii buuqu ka dhashay ee lagu taageerayay furashadda ururada siyaasada ka sheegay inuu ku dhawaaqayo ururkan magaciisa loo soo gaabiyey (PDP), isla-markaana aanu cidna kala gabanayn.
Wariye ka tirsan Shabakadda caalamiga ah ee Ramaasnews, oo maanta huteelka Imperial gudihiisa kula kulmay Ismaaciil Aaden Cismaan ayaa waxa uu ka qaaday waraaqaha uu u qaybinayay dadka huteelka fadhiyey, isaga oo u sheegay inuu dhawaan munaasibad kaga dhawaaqi doono ururkan.
Waraaqahan uu Ismaaciil dadka u qaybinayay, ayaa waxa ku qoran taariikhda nololeedka siyaasadeed ee Ismaaciil Yare iyo waxyaabihii uu ka soo qabtay xukuumaddii Daahir Rayaale oo uu wasiirka daakhiliga ka ahaa.
Sidoo kale, waraaqaha uu dadka u qaybinayay waxa ku qornaa waxa ka mid ah “Urur siyaasadeedkan waxa aasaasay Injineer Ismaaciil Aaden Cismaan oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee reer Somaliland, xilal kala duwana ka soo qabtay dawladii Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, isaga oo qabtay jagada wasiirka ganacsiga, warshadaha, dekedaha iyo shidaalka bilowgii sanadii 1998 ilaa dabayaaqadii 1999-kii”
Waraaqahan oo uu ku yaalo sawirka Ismaaciil Aaden Cismaan, ayaa waxa ku qoran kalmado ay ka mid yihiin “Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa wasiiraddii dalkan soo maray kuwii ugu firfircoonaa, hawl-karsanaa uguna waxqabad badnaa.”
Qoraalkan uu qaybinayay oo weedhaha ku qorani ay dhammaantood u ekaayeen kuwa ololaha doorashooyinka ay ku galaan siyaasiyiinta mansab doonka ahi ayaa, waxa kale oo ka mid ahaa “Waa wasiirkii xidhiidhka fiican ee saaxiibtinimo ka dhex abuuray Somaliland iyo dalka aynu deriska nahay ee Djabuuti, loona doortay guddoomiyihii nabadgalyadda, siyaasadda iyo ganacsiga.”
Ugu dambayn, tan iyo markii Madaxwayne Somaliland Md Axmed Maxamuud (Siilaanyo) guddida u soo saaray ka soo tallo-bixinta qadiyadda furashada siyaasadda, waxa dalka ka bilaabmay guux wayn oo la xidhiidha guddidaas Madaxwaynuhu saaray oo dadka qaarkii u arkeen in aanay sharciyad ku fadhiyin sida uu xalay ka dhawaajiyey Mujaahid Ibraahim Dhago-wayne “Annigu waxaan aaminsanahay in guddidaasi wax sharciyad ah aanay haysan, waayo anniga ayaa maxkamadda sare tagay oo wax warqad ahi kama taallo” ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhago-wayne, isaga oo waliba hambalyeeyay urur siyaasadeed la sheegay in dhawaan lagaga dhawaaqay Gobolka Sool.
Si kastaba ha ahaatee, dadwaynaha reer Somaliland, gaar ahaan dadka danaynaya furashada ururada siyaasaddu waxay ka dhur-sugayaan guddidaas Madaxwaynuhu saaray, iyagga oo haddana inta badan dhaliila “Anigu wax kale idin odhan maayee waxa la yidhi hawshiinu waa yar Bacda Casar” sidaa waxa xalay munaasibad ka yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.