Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Friday, April 15, 2011 Boqor Cismaan Buurmadow ayay soo gadheen nabaro dakharo iyo dhawaac kale isugu jira, sidaana waxaa noo xaqiijiyay dad ku sugan magaalada caasimadda waddanka isugu taga Imaraadka ee Abudabi, lama garanaayo dadkan sida xun u garaacay Boqor Buurmadow

Friday, April 15, 2011 Boqor Cismaan Buurmadow ayay soo gadheen nabaro dakharo iyo dhawaac kale isugu jira, sidaana waxaa noo xaqiijiyay dad ku sugan magaalada caasimadda waddanka isugu taga Imaraadka ee Abudabi, lama garanaayo dadkan sida xun u garaacay Boqor Buurmadow

Boqor Cismaan Buurmadow ayay soo gadheen nabaro dakharo iyo dhawaac kale isugu jira, sidaana waxaa noo xaqiijiyay dad ku sugan magaalada caasimadda waddanka isugu taga Imaraadka ee Abudabi, lama garanaayo dadkan sida xun u garaacay Boqor Buurmadow, Xuseen Cali oo kamid ah dadka degen Abudhabi oo khadka telefoonka ugu waramay shbakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa noo xaqiijiyay dhawaca soo gaadhay Boqor Cismaan Buurmadow. Wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay. “Walal shalay abaroo Saddexdi galabnimo ayay arrintu dhacday, in muddo ahba Boqor Cismaan wuxuu ku sugnaa Abudhabi, lakiin markuu yimi si caadiya ayuu dadka u soo dhex galijiray oo cidina waxba umay sheegan jirin, waxay wax kastase is badaleen in muddo ah markii uu saxaafadda cay badan uga jeediyay Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa, waxaanad arkay dad badan oo u dharanaaya taas oo kaliftay inuu jaro suuqi oo uu guri kujiro, lakiin shalay ayuu si deg deg ah usoo dhaadhacay marka sidaa ayay wax u dhaceen.
Xuseen ayaanu waydiinay siday wax u gadheen Boqor Buurmadow, wuxuuna markale yidhi. Anigu markaas yadoo dagaalku dhacay ayaan meesha imi, waxaan arkaayay Boqor Buurmadow oo dakhar ka soo gaadhay madaxa isla markaana dharkii uu sitay ay ka jeex jeexmen, waxaa loo qaaday isbitaalka, oo hadda lagu dawaynaayo. isla markaana nimankii falka u gaystay way iskaga tageen goobti yadoo aanay ciidanka Police-ku iman” Waxaanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Boqor Cismaan Buurmadow, lakiin markuu naga qabtay Telefoonka ee aan u sheegnay inuu nooga waramo sida wax u gadheen, ayuu si cadho leh u yidhi. “Adeer waxba iguma dhicin cidna waxba ima gaadhsiin, idinkuna waxaad tihiin dad u shaqaynaaya Silaanyo (Madaxweynaha Somaliland) Hadhwanaag iyo Hadhqabow toona ma aqaane igabaxa telefoonka”. Kadib wuxuu xidhay telefoonkiisi. Lakiin dad kala duwan oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in dakhar wayn uu soo gaadhay Boqor Buurmadow. Si kastaba ha ahatee arrintan ayaa noqonaysa gacan ka hadalkii ugu horeeyay ee loo gaysato Boqor Buurmadow. Waxaana arrintan loo aanaynaya hadalo xajimayn leh oo uu dhawanahan sinaayay saxaafadda qaar kamid ah, wxayna u eegtahay arrintani mid halis galinaysa ammaankii Boqor Cismaan Buurmadow, yadoo todobaad ka hor uu qorshaynaayay inuu safar ku yimaado waddanka Ingiriiska madaama oo u ka wabiyay inuu ku laabto Somaliland, ayaan lagaranayn siduu u soo aaminaayo waddanka Ingiriiska oo ay ku dhaqanyihiin jaaliyad ballaadhan oo rer Somaliland ah, isla markaana uu kala kulmi karo dhibatoyin ka badan midan hadda ku dhacday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com