Hargeysa, 15, April, 2011-(maantasomaliland)- Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday inay xayiraadii saarnayd ka qaaday Telefiishanka Universal oo muddo bil ku dhawaad ka hor ay dawladu shaqada ka joojisay shir jaraaid wasiirka warfaafinta mudane xaabdase
Hargeysa, 15, April, 2011-(maantasomaliland)- Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday inay xayiraadii saarnayd ka qaaday Telefiishanka Universal oo muddo bil ku dhawaad ka hor ay dawladu shaqada ka joojisay ka dib markii laga sii daayay sawirro been abuur ah oo Weriyaha Telefiishankaas u jooga Buuhoodle ka baahiyay sawir-gacmeedyo taangiyo iyo ciidanka Somaliland oo xaquus sammaynaya deegaanka Kalshaale.
Wasiirka Warfaafinta SomalilandAxmed Cabdi Xaabsade iyo Mulkiilaha Telefiishanka Universal oo shir jaraa’id ay si wada jira ugu qabteen Hargeyss Mulkiilaha Telefiishanka Universal Axmed Abuukar waxa uu wasiirku sheegay in go’aanka dib loogu fasaxay Telefiishank uu ka yimi wada hadal dhexmaray maamulka Tv-ga iyo Wasaaradda warfaafinta, isago sheegay inay qirteen masuulliyiinta Tv-gu khalad ay galleen wakhtigii uu dagaalku ka socday Kalshaale.
Wasiir Xaabsade waxa uu sheegay inay joojin doonaan gal-dacwadeed ka dhan ah Telefiishanka Universal oo ay u gudbiyeen Xeer Ilaalinta Qaranka.
Mulkiilaha Telefiisnaka Universal Axmed Abuukar, ayaa isaguna sheegay inay tallaabo adag ka qaadayaan suxufiga uga soo warama magaalada Buuhoodle oo masuul ka ahaa sawiradii been abuurka ahaa ee uu ka faafiyay Ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanka Kalshaale, waxaannu xusay inuu warkaasi ahaa mid been abuura, isagoo tilmaamay inay is-afagarad iyo heshiis cusub wada gaadhaan maamulka Somaliland.
Sagal Mustafe Xasan-nuur oo ka mid ah weriyayaasha Telefiishanka Universal uga soo warama Somaliland oo aanu wax ka weydiinay sida ay u aragto tallaabada lagu fasaxay shaqadii ay hayeen, ayaa tidhi, “Si fiican baan u arkaa go’aanka lagu fasaxay, waana tallaabo muujinaysa nay xukuumadu waajibaadkeedii ka soo baxday, weriyayaashuna waa inay khaladka iska ilaaliyaan, xukuumaduna aanay k degdegin xadhiga warbaahinta.”
maxamed dhukur
hargaysa
maantasomaliland