Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Boolis-ka Oo Ganacanta ku dhigay laba Eedaysane + Dambiyada loo haysto.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin oo laba fal oo kala duwan shalay ka sameeyay magaalada Hargeysa.

 

Taliyaha ciidanka Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay in duhurnimadii shalay degmada 26 June ee Hargeysa uu nin dhallinyaro ahi baatrool iyo kabriid ku qabadsiiyay wiil iyo gabadh guriga la degenaa oo eddo isu ah.

 

“Abaaro 1:00 duhurnimo ayaa degmada 26 June ee Hargeysa wuxuu nin baatrool iyo kabriid ku qabadsiiyay wiil iyo gabadh eddo isu ah. Guriga ayuu ugu soo galay dabadeed wuxuu iska dhigay sidii wax dhaafaaya dabadeedna baatroolkii iyo kabriidkii ayuu isugu daray. Inanka waxa gaadhay dhaawac culus, gabadhana dhaawac ayaa gaadhay sidoo kalena ninka falka gaystay dhaawac ayaa gaadhay. Waanan soo qabanay ninkaas falka gaystay oo ciidanka ayaa gacanta ku haya.” Ayuu yidhi taliye Fadal.

 

Sidoo kale wuxuu taliyuhu ka hadlay nin isaguna shalay gelinkii dambe degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa madaxa gidaarka ugu dhuftay laba carruur ah oo ay mid ka mid ahi 25 cisho jirtay oo uu abti u ahaa, “Degmada Maxamed Mooge ee Hargeysa nin ayaa isaguna shalay laba carruur ah oo uu mid ka mid ahi 25 cisho jiray gidaarka madaxa ula dhacay abti ayaanu carruurta u ahaa. Ilmihii 25-ka cisho jiray markiiba naftii way ka baxday, kii kalena dhaawac ayaa gaadhay, ciidanka Booliskuna way soo qabteen ninkaas carruurta gidaarka madaxa ula dhacay.”

 

Labada nin falalkan gaystay ayuu taliyuhu sheegay in la baadhaayo, lana horgayn doono sharciga.  Sidoo kale Taliye Fadal waxa uu sheegay inay Booliska soo qabteen nin toddobaadkii hore toorey ku dilay nin kale, kaas oo uu sheegay inay ka soo qabteen Koonfurta magaalada Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com