Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xaflad ballaadhan oo loo qabtay Tartankii xifdiga Qur’aanka kariimka gaar ahaan qaybtii Labaad ee hablaha ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay masjidka Rusheeye ee badhtamaha magaalada Hargeysa.

Xaflad ballaadhan oo loo qabtay Tartankii xifdiga Qur’aanka kariimka gaar ahaan qaybtii Labaad ee hablaha ayaa maanta lagu soo  gabagabeeyay  masjidka Rusheeye ee badhtamaha magaalada Hargeysa.

Xafladdan  ayaa waxaa kasoo qayb-galay culimo waaweyn oo uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Cali Biixi, Sheekh Maxamed Aaden iyo Sheekh Mubaarak. Waxaana Tartankan qiimaha badan oo sannadle ah maal-geliyey Shirkadda Dahabshiil.

Tartankan oo ahaa 30- Juz iyo 15-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah ayaa waxaa saddexda kaalmood ee ugu horreeya koox walba ku guulaystay ardaydan hoos ku xusan:

Ardayda 30-ka Juz

1- Asma Maxamed Xasan Kitaab Qur’aan ah, Labtob, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 1,000 USD (Kun Dollar).

2- Faa’isa Xuseen Maxamed Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 700 USD (Todoba Boqol Oo Dollar).

3- Kaltuun Axmed Warsame Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 500 USD (500 Boqol Oo Dollar).

Ardayda 15-ka Juz

1- Asma Maxamuud Cabdi Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 400 USD (Afar Boqol Oo Dollar).

2- Caa’isha Adem Ducaale Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 300 USD (Saddex Boqol Oo Dollar).

3- Barwaaqo Axmed Xuseen Waxaa la siiyey Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 200 USD (Labo Boqol Oo Dollar).

IMG_3417

Culimadii xafladdaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Cali Biixi oo iftiimiyey ahmiyadda ballaadhan ee Qur’aanka Kariimka ahi innoogu fadhiyo iyo waajibaadka innaga saaran sidii loo ilaalin lahaa, looguna dhaqmi lahaa.

Sheekh Dirir ayaa isaguna tilmaamay sida hablaha loogu han-weyn yahay looguna dedaalayo. Isagoo ka dhawaajiyey inay hablahu ay haatan wiilasha ka maskax fiican yihiin, kana dedaal badan yihiin. Isla markaana ay meelaha sar sare ka galaan waxbarashada.

Sheekh ayaa hablahaasi qur’aanka xambaaray ku boorriyey inay ku daydaan dumarkii Nabigu (Scw) uu gacantiisa kusoo rabbeeyey oo ay ka mid ahayd Caa’isha (Ilaahay raalli haka noqdee). Waxaanu ugu baaqay inay isu diyaariyaan hooyooyinkii qiimaha badnaa mujtamaca berrito soo bar-baarin laha.

IMG_3425

Sheekh Dirir ayaa gabdhahan qur’aanka xifdiyey u duceeyey kuna dhiiri-geliyey inay sii kordhiyaan hankooda oo tafsiirka iyo macnaha Qur’aanka iyo waliba axaadiista ay bartaan. Waxaanu ku baraarujiyey inay tusaale u noqdaan hablaha kale oo ay kusoo hanuuniyaan Qur’aanka, masaajidda iyo madaarista.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Aaden Muxumed oo faah-faahin kooban ka bixiyey tartankan qiimaha badan ee loo qabtay hablahan qur’aanka xifdiyey. Waxaanu far waaweyn ku sheegay sida ay ka culimo ahaan ugu faraxsan yihiin hablahaa yar yar ee Qur’aanka Xifdiyey.

IMG_3426

Sheekha ayaa halkaasi ugu mahad-celiyey Shirkadda Dahabshiil oo tartankan sannadlaha ah maal-gelisa. Sidoo kale waxa uu halkaasi ugu mahad-celiyey guddiyadii kala duwanaa ee ardaydaasi usoo qabatay imtixaanadii lagu kala saarayey.

IMG_3426

Sheekh Maxamed Aaden ayaa halkaasi ka sheegay in ujeedka tartankan loo qabanayaa ay tahay sidii Qur’aanka xifdigiisa isugu ilaalin lahayn, in Ilaahay if iyo aakhiraba innoogu wanaajiyo iyo weliba in ummadda xagga wanaagsan loogu beddelo oo islaamku sarreeyo.

Sheekh Maxamed ayaa halkaasi kaga dhawaaqayey ardaydii tartankaasi ka ka qayb-galay iyo kuwii ku guulaystay kaalmaha hore. Waxaanay ardaydaasi ku tartantay 30-ka juz iyo 15-ka juz.

 

Maadaama xagga hore aynu kusoo aragnay ardaydii ku kala guulaystay 3-da kaalmood ee ugu horreeya ayaa waxaanu halkanna idiinku soo bandhigaynaa ardaydii kale ee iyaguna guulaystay, isla markaana abaal-marinnada la siiyey oo kala ah sidan:

Ardayda 30-ka Juz:

Xafsa Muuse Cabdi

Nimco Xasan Jaamac

Salma C/raxmaan Aaden

Raxma Muuse Sahal

Muniira Mustafe Baashe

Safiya Muuse Cabdi

Xamda C/laahi Axmed

Sacda Cabdilaahi Axmed

Khadra Mustafe Maxamed

Umal-khayr  Maxamed Jaamac

Nasra Aden Saciid

Ardayda 15-ka Juz

Najax Sulaymaan Maxamed

Deeqa Maxamed Xasan

Raadiya Maxamed Xasan

Xafsa Maxamed Xasan

Xafsa Faarax Cabdiraxmaan

Asma Xuseen Cali

Ilhaan Cabdi Muuse

Warda Aadem Cabdi

Muhiim Aadem Xuseen

Khadan Maxamuud Xirsi

Nimco Cabdiqaadir Sulaymaan

Waxaana dhammaan ardaydan la siiyey abaal-marino isugu jira Kitaabka Qur’aanka kariimka ah iyo Shahaadooyin. Waxaana halkaasi lagu soo af-meeray tartankaasi xifdiga Qur’aanka ee qaybta hablaha oo dhawr cisho ka socday laguna soo gunaanaday masjidka Rusheeyey ee badhtamaha magaalada Hargeysa.

Waxaa sidoo kale tartan qaybtii 1-aad ee innamada lasoo gabo-gabeeyey todobaadkii hore, kaasi oo ay ka qayb-galeen ardayda xuffaadda ah ee gobollada dalka oo dhan, halkan tartankan habluhu uu ahaa mid ku eeg magaalada Hargeysa oo kaliya. Waxaana intaba maal-gelisay shirkadda Dahab-shiil oo sannad walba qabata tartannadan oo kale.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com