Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Eduardo Vargas Oo Chile Ku Hogaamiyay Finalka Copa America , Peru Ayay 2/1 Uga Talaabsadeen

varQaranka Chile ayaa iska xaadiriyay finalka Copa America ka dib markii guul qaali ah ay ka gaareen Peru oo ay uga badiyeen 2/1 .

Biloowga ciyaarta waxaa cadaadis badneyn Chile oo gool waqti hore ah ayay raadinayeen balse goolhayaha Peru ay dhaafi waayeen.

Daqiiqaddii 20-aad Peru dhabarka ayay ka jabeen ka dib markii kaarka casaanka laga siiyay Carlos Zambrano ka dib markii uu si xun uu u jabiyay laacibka reer Chile ah .

Inkastoo Peru laacib uu ka maqnaa hadana kubad sareysay ayay ciyaarayeen oo marar badan ayay sigayeen shabaqa Chile balse daqiiqaddii 42-aad ee dhamaadka ciyaarta ayaa lagu helay gool waxaana ka dhaliyay Eduardo Vargas .

Qeybta labaad xamaasadda ciyaarta waa ay sii taagneyd labada qaran kubad wacan ayay ciyaarayeen inkastoo Peru dhameytir la`aan ay aheyd hadana goolka bar bar dhaca ayay heleen waxaana daqiiqaddii 60-aad si qaldan isaga dhaliyay Gary Medel .

Waqti yar ka dib Chile goolka guusha ayay heleen waxaana daqiiqaddii 64-aad u dhaliyay mar kale Eduardo Vargas waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 2/1

Ka dib natiijadaan waxa ay Chile sugayaan midkood Argentina iyo Paraguay oo wada ciyaaraya caawa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com