Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi U Magacaabay Diyaaradda lagu hayo Madaarka Hargeysa iyo Calooshood U Shaqaystayaashii Watay Oo Loo Soo Dhaadhiciyay Hotel Ku Yaalla Gudaha Magaalada‏

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud  “Siilaanyo”, ayaa la sheegay inuu u magacaabay Guddi ka kooban Xukuumaddisa oo masuul ka noqon doonta baadhista kiiska Diyaarada Saanada Milatari u sida Puntland ee lagu qabtay madaarka Hargeysa.

Guddida uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland oo ka kooban shan xubnoo d waxa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Bileyska,Taliyaha Ciidanka Sirdoonka waxaanay masuul ka noqon doonaan Baadhista Kiiskaas iyagoo u gudbin doona Garsoorka.

Magacaabista Guddidan cusub ee Madaxweynuhu u saaray arrintan ayaa la sheegay in uu isla shalayba u qoray Digreetada uu ku magacaabay, inkastoo aanu dadweynaha iyo Saxaafada midkoodna u soo Bandhigin oo ay yar tahay Xogta ay Xukuumaddu ka bixinayso Kiiskan oo ay Dadweyanaha reer Somaliland aad u danaynayaan sidii ay u heli lahaayeen Macluumaadka la xidhiidha Diyaaradda.

Warku waxa uu intaa ku daray in isla xalayba ay Guddidu ka soo qaaday Lixdii sideedii nine e Maxaabiista ahaa ee Diyaaradda watay laba kamid ah oo ah kuwii Calooshood u shaqaystayaasha Koonfur Afrikaanka ah Huteelkii ay ku jireen ee Ambasador oo ay keeneen Hutelka Ilma Jirde eek u yaala Saldhiga Agtiisa, taasoo aan ilaa hada la garanayn sababta dhabta ah balse loo malaynayo arrimo dhinaca Amaanka ah in loo soo qaaday.

Lama garanayo sababta uu guddidan u magacaabay Madaxweynaha Somaliland iyadoo imika baadhista kiiskani socotay muddo kooban, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan Gudida la socoshada Cunaqabataynta Hubka ee Qaramada Midoobay u xil saareen Somaliya iyo Wefti kale oo ka socda Midawga Yurub kuwaasoo ka qayb qaadanaya xaqiiqo u noqoshada Kiiska loo haysto Diyaaradda, kuwaasoo isla markiiba ka qayb qaatay baadhista Saanada ay Diyaaradu sido iyo nidaanka ay Dalka ku soo gashayba.

Si kastaba ha ahaatee waxa Xukuumadda iyo Guddidan imika la magacaabayba looga fadhiyaa sidii ay u soo saari lahaayeen ee ay Ummadda ugu soo Bandhigi lahaayeen Danbiga ay Diyaaradaasi ka gashay Dalka iyo Ciqaabta ay mutaysatayba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com