Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Way Tahay In Wargeyska Ku Xad Gudba Karaamada Aan Dalka U Hayo Talaabo Sharciya Laga Qaado”‏

Taliyaha Bilayska Somaliland Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) ayaa xeer ilaaliyaha guud ee qaranka u gudbiyay dacwad ka uu kaga dalbanayo in masuuliyiinta wargeyska Waaheen si sharciga waafaqsan talaabo looga qaado, isagoo sheegay in warysigii uu siiyay daraad wariyaha BBC-da u jooga Hargeysa Axmed Siciid Cige oo uu kaga hadlay dilka ka dhacay todobaadkan deegaanka Ceel-bardaale uu sheegay in aanu ku soo hadal qaadin in magaalada Wajaale laga kala yaacay habeen hore, tilmaamayna inaan reer Awdal laga sheegin wax ay kaga cadhoodeen waraysigiisa.

Taliyaha Bilayska Cilmi Kabaal waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyay shalay xarunta Wargeyska Haatuf oo uu  ku socodsiiyay Xeer ilaaliyaha  guud ogeysiina ku siiayay Wasiirka Arrimaha gudaha, waxaanu u qornaa isagoo dhamays tiran sidan:

Jamhuuuryada Somaliland Taliska Ciidanka Booliska

Xog/ TCB/2/6-19/2010

Ku|: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL

Og: Dhamaan Wargeysyada Madaxabanaan Hargeisa

Og: Madaxa Dalada Wargesyada Hargeisa

Og: Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Hargeisa

Ujeedo: Warfaafin been ah oo ku lid ah Taliyaha Ciidanka Booliska JSL

Mudane Xeer ilaaliye, waxa la yaab iyo amakaag igu noqotay Maanta 14/ 12/ 2010  oo aan ku arkay war lagu faafiyay Wargeyska Waaheen ee soo baxay 14/12/2010 cadadkiisu No. 458 Bogga labaad oo qoray laguna shaaciyay sawirkayga iyo war been ah oo sheegaya “Degmada Wajaale oo xalay fiidkii laga kala caraabay iyo reer Awdal oo ka xanaaqay Waraysigii Cilmi Kabaal”.

Sida runta tahay, aniga waxa I waraystay oo kaliya wariyaha BBC-da  Axmed Siciid Cige, waxaan u sheegayna waxa laga wada maqlaayey BBC-da, Wajaale kumaan soo qaadin waraysiga, mana jirto warkan Wargeysku qoray in laga kala yaacay Wajaale iyo waxa reer Awdal laga sheegay oo ay ka codsadeen.

Haddaba, Mudane Xeer ilaaliye iyo Wargeyska madaxa-baan ee xagayga sharafta iyo wada- shaqaynta naga muddan waxaan ka bayaaminayaain Wargeyska Waaheen cadaystey in lagu faafiyo been aan sal iyo bartoona lahayn oo lagu kicinayo dadweynaha xaalad abuur aanay waxaba ka jirin, taasoo sumcada Wargeyska halbowlaha goysey.

Mudane Xeer ilaaliye, waxaa kula socodsiinayaa in Wargeyskaasi aanan arki cid ka socota oo wax I weydiiseyna ma jirto, wayna tahay in Wargeyska ku xad-gudub sharafta iyo karaamada aan dalka u hayo sida ku xusan Qodobadda: 287, 452, 328 X.C.G oo kala ah ( False accusation against Public offcer, Defamation of character and circulation or publication of false exaggeration or tendetion news capale of disturbinh public order).

Sidaa darteed, waxaan kaa codsanayaa in aarintan si sharciga waafaqsan loogu fuliyo mas’uulka

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com