Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Toddobaadkan waxaa nefistay Chelsea oo culays badani ka haystay guuldarrooyin isdaba joog ah ee sida xun ee sanadkan ay horyaalka ku bilawday

Toddobaadkan waxaa nefistay Chelsea oo culays badani ka haystay guuldarrooyin isdaba joog ah ee sida xun ee sanadkan ay horyaalka ku bilawday. Labada gool oo ay u kala dhaliyeen ninka difaaca ka ciyaara ee Kurt Zouma iyo Eden Hazard waxay Chelsea u xaqiijisay guushoodii 2aad ee lix ciyaarood oo horyaalka ka tirsan.
Guuldarrada Arsenal waxay bilaabatay markii kooxda laga saaray laacibka difaaca ka dheela ee Gabriel ilbiriqsiyo kahor dhammaadkii qaybta 1aad ee ciyaarta isagoo haraati ku dhuftay weeraryahanka Chelsea Diego Costa kaddib markii uu Costa wejiga farta ka geliyay Laurent Koscielny.
Chelsea waxay ka sii faa’iidaysatay markii garoonka laga saaray laacibka ciyaarta Arsenal ku socotay ee Santi Cazorla oo laba goor loo taagay warqadda huruudda ah markii khalad ku galay Cesc Fabregas oo loo aqoonsaday inuu ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa kulankaas dhexmaray Chelsea iyo Arsenal.
Chelsea wax gool ah lagama dhalin siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyay ee Premier League ay isaga hor yimaaddaan Arsenal.
Tababaraha Arsenal Arsene Wenger wuxuu soo jeediyay in xidhiidhka kubada cagtu baadhis ku sameeyo sababta ciyaarta looga saari waayay Diego Costa oo dheela Chelsea, isagoo ku doodaya in difaaciisa iyo Diego Costa u wada qalmayeen in laga wada saaro ciyaarta ama la wada daayo.
Sabtidii shalay waxaa dhacay toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka kubbadda cagta ee Ingiriiska. Waxaana loo kala badiyay:
1. Chelsea 2 – 0 Arsenal,
2. Aston Villa 0 – 1 West Brom,
3. Bournemouth 2 – 0 Sunderland,
4. Newcastle 1- 2 Watford,
5. Stoke 2 – 2 Leicester,
6. Swansea 0 – 0 Everton,

7. Manchester City 1- 2 West Ham

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com