Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa shacabka somaliland ku hanbalyeeyey munaasibada Ciida barakaysan ee Ciidal Adxa.

Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa shacabka somaliland ku hanbalyeeyey munaasibada Ciida barakaysan ee Ciidal Adxa.

UCIDDhambaalka hanbalyada ah ee xisbiga Ucid u diray shacabka somaliland iyo guud ahaan shacabka muslimiinta ah ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, MurashaxaMadaxweynaha, Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID,Guddoomye Ku Xigeenada Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga UCID waxa ay Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland (meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba), iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan, ee Ciidal Adxa awgeed.

Xisbiga UCID waxa uu ILAAHAY uga baryay malaayiinka qof ee taagan buurta yoomal carafa ducadooda u aqbalo shacuubta islaamka. illaahayna wada jirkooda iyo nabadoodaba uu kor

u qaado.

Xisbiga UCID isagoo shacbiga la wadaagaya farxadda ciidda waxaan leenahay ku ciida farxad iyo caafimaad ishallah meelkasta oo aad dunida ka joogtaan.

Xisbiga UCID waxa uu shacbiga somalilanad u rajeeyay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.”

Yuusuf Kayse Cabdilaahi

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com