Suldaan Mawliid Cali Ibraahim (Sabeyse) ayaa dib u helay Xoriyadiisi ka dib markii muddo Labbaatan Habeen uu xabsiga ugu jiray xukumada Madaxweyne Siilaanyo oo ka qabtay isaga ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa
Suldaan Mawliid Cali Ibraahim (Sabeyse) ayaa dib u helay Xoriyadiisi ka dib markii muddo Labbaatan Habeen uu xabsiga ugu jiray xukumada Madaxweyne Siilaanyo oo ka qabtay isaga ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa.
Sii deynta Suldaanka ayaa ka dhalatay ka dib markii ay fasaxdey Maxkamada Gobolka Hargeysa maadaama ay hor iman weyday Maxkamada cidii Muduciga ku aheyd Suldaanka.
Suldaanka ayaa markii la soo daayey waxa si weyn u soo dhaweyey dadweyne faro baddan iyo Slaadiinta Beelaha Suber Awal oo uu horkacay Suldaanka Guud Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi.
Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo warbaahintu waxa ka weydiisay soo dayntiisa suldaanka ayaa sheegay in uu Xaqdaro ku xidhnaa Suldaanku imikana Xoriyadiisii helay oo ay fasaxdey Maxkamada Gobolka Hargeysa.