Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa uga mahad celiyay ciidamada Amnig Somaliland iyo shacabka Awdal doorkii shariifka ahaa ee ay ku lahaayeen soo qabashada dadkii weerarka ku soo qaaday guriga Badhasaabka Awdal.

waran-cade1

sidoo kale waxa uu mahad celin balaadhan u diray dawlada federaalka Ethipia iyo dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia oo uu xusay in ay kala shaqeeyeen adkaynta amniga xuduuda labada dal, waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu u waramayay warbaahinta waxaanu yidhi

Waxa aan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay Magaaladda Boorama, waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

mar labaadka waxa aan halkan waxa aan doonayaa in aan halkan uga mahad celiyo bulshada reer Boorama khaas ahaan salaadiinta, madax dhaqameedka iyo bulshada inteeda kale, gaar ahaan ragii ama muwaadiniintii qaybta muhiimka ah ka qaatay soo qabashadii gacan ku dhiigleyaashii geystay falkaas aan sheegay oo runtii si qiimo leh ula shaqeeyay ciidamada amniga oo ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan kuwaas oo badankoodii ragii falkaas foosha xun ee fulaynimada ah geystay” ayuu yidhi Cali Maxamed Warancade.

waxa uu u mahad celiyay dawlada Ethiopia oo uu sheegay in ay iska kaashadeen dhinacyada amniga “Waxa Kale oo aan doonayaa in aan halkan uga mahad celiyo dawlada Ethiopia, hadii ay tahay dawlad deegaanka somalida ethiopia iyo hadii ay dawlada federaalka tahayba sida qiimaha leh ee aynu uga wada shaqayno wixii dhibaato ah ee ka dhaca xuduuda somaliland iyo ethiopia, mid kalena waxa aan u soo celinayaa madaxweynaha dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia oo runtii aad iyo aad isugu taxaluujiya sidi ay xuduuda labada dal u dhaxaysaa u noqon lahayd mid ka caagan argagaxiso iyo waliba cid kasta oo amniga khalkhal gelinaysa” ayuu yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com