Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Salaada Sunaha ee Salaatul Laylku waa Imisa Rakcadood ugu yaraan iyo ugu badnaan? Saacadee ayaana ugu haboon inaad tukado salaatu Laylka? Xidhashadu se waa maxay inaad tidhaahdo? Jawaab Sh. Maxamed Sh Cumar Dirir

Bismilaah Alxamdulilaah: “ Horta Salaatu Layl dhawr arimood oo magacyadooda sharci aad ku maqasheen baa isku mid uun ha; sida Salaatulayl, Qiyaamu layl iyo Salaatu Taraawiix, Salaatul Tahajud iyo Salatul Witri. Intuba waxay noqonayaan salaada sunaha ah ee la tukado marka Cishaa iga iyo sunihiisaba la tukado kasii danbaysa ayaa magacyaashaa iska leh. Waa salaada habeenkii la tukanayo uun. Haddii qofku inta uu seexday kadib uu soo kaco, oo salaadii uu u kacona magaceeda TAHAJUD ayaa la yidhaahdaa, waa salaadii habeenkii loo kacay; Haddii rakcada u danbaysaa Witri ay tahay, oo rakcada u danbaysaa tiro kala dhimantahay waa sida wacane’, oo tiro is dhiman mid lagu danbaysiiyayna Salaatu WITRI ayaa la yidhaah. Haddii salaadaa la tukanayo bisha Ramadaana salaatu TARAAWIIX ayaa la yidhaah. Markaa waa isku mid uun. Salaadaas Nabi Maxamed CSW , waxay Caaisha Nabiga ka warinaysaa in uu tukaday 11 Rakcadood. Riwaayaadka Qaarkoodna 13 ayay sheegayaan. Culimadu waxay yidhaahdaan Riwaayada 13ka sheegaysa waxa laga yaabaa inay labadii cishaaigu la socdaan. Riwaayada 11ka sheegaysaana inay 2dii cishaa iga ka reebtay . Halkaas waxa ka muuqanaya sida afdalka ah ee wanaagsani inay 11kaas tahay. Waxayse culimadu u badan yihiin, haddii qofku uu ka kordhiyana inay markaa Mashruuc tahay oo laga badin karo 11kaas. Waayo Nabigu CSW waxa uu xadiis ku yidhi, salaada habeenkii waa Laba Laba, marka aad subaxa, marka aad subaxa ka baqato ee aad ka dhawrsatana waxa aad samaysaa buu Nabigu CSW leeyahay xabad Witri ah kusoo gabogabee. Marka halkaa waxaad ka arki kartaa cadad keedu intee buu noqon karaa, intee baana u fadli badan. Marka Salaada La Akhriyayo wax kale oo la akhriyayaa ma jiree Nabigu waxa uu yidhi CSW “ Camalku waxa uu ku ansaxayaa Niyada” Markaa waxa uunbaa niyoonaysaa inaad tukanayso salaadii Taraawiixda, Witriga oo wax kale oo aad akhriyaysaa ma jirto. Waayo markay cibaado tahay waxa aynu u cibaadaysanaynaa sidaa Rasuulka Ilaahay SCW kazoo aroortay, sidaasaana Ilaahay inagu adoonsaday. Waxa is waydiin leh oo su’aashana ku jirta Salaada wakhtigeeda u fiicani; Horta wakhtigeedu waxa uu jooga marka laga baxo sunaha Cishaaiga, oo la tukan karayaa Taraawiixda, Salaatu laylka iyo Witrigaaba. Sidaasaana Cumar Binu Khadab RC inta uu asxaabtii oo dhan ururiyay uu yidhi Imaam tuji, dabadeed intay isku Jamacsadaan ayaa cishaai kadib la tukan jiray. Cumar markii uu arkay salaadii oo si fiican loo tukanayo waa kii lahaa “ Shay la bilaabo tanaa u wanaagsan” Ileen salaadu markii horeba mashruucbay ahayde, tan aan dadka ururiyay ayuunbuu u jeeda. Waxaanu raaciyay intaas “ Laakin tan ay seexanayaan ayaa ka khayr badan” Markaas waxa uun uu u jeeday Salaatu Layl. Habeenkii waa saddex meelood oo min Afar Saacadood ah. Markaa Afarta saacadood ee u danbeeya Ilaa wakhtiga Suxuurta ayaa u fadli badan. Sida uu Ilaaha Aayada ku yidhi “ Habeenkii salaada u kac, adiga oo ku cibaadaysanaya Qur’aankana” Wakhtigaasi waa wakhtiigii uu Rasuulku Tilmaamay CSW markii la waydiiyay wakhtigeebaa ducada la aqbalaa. Waa wakhtiga Ilaahay soo dagee Adoomahad ala hadlayee uu leeyahay “ Keebaa wax I waydiisanaya een Siiyaa, keebaa danbi dhaaf I waydiisanaya oo aan danbiga ka dhaaffaa”. Waa wakhtigii uu lahaa Nabi Yacquub Inamadiisa isagoo la hadlaya uu lahaa “ Hadhaw baan Ilaahiina Danbi dhaaf idiin waydiin doonaa” Waa inamadiisii gafay, ayuu waxa uu lahaa markii ay cawdeen. Markaa Afarta saacadood ee habeenka u danbeeya inta aan la gaadhin waa bariga, wakhtiga had iyo jeer binu aadamku hurdo dakharta ku jiro weeyaan, wakhtiga qofka kacaa Ilaahay xidhiidhka tooska ah la leeyahay weeyaan. Markaa haddi qofku inta uu Jamac helo xaga hore ka tukadana waa fiicantahay. Al Muhiim Cibaadadaas Ilaahay Raali galinaysa in la la yimaada uun ayaa muhiinm ah Walaahi Aclam.” Read More …
Nin Miskiin ah oo aan lacag ku lahaa ayaan ku idhi Sakaatul fidrigaygii u qaado lacagtii aan kugu lahaa. Taasi suurto gal ma tahay?
Bismilaah Alxamdulilaah; Sakaaatul fidriga waa taynu sheegnay ee aynu nidhi yaan lagu bixinin lacagtee raashinka ha lagu bixiyo. Markaa qofkii intuu lacagtii ka qaado dee raashin ha u siiyo oo dib ha ugu celiyo. Read More …
Qofkii aan waxba haysan fidriga ma lagu leeyahay?
Bismilaah Alxamdulilaah; Waynu soo sheegno dee maalinkii ciida iyo habeenkaa, wax dheeraad ah waa inuu haystaa. Oo wax uu cuno wax ka dheeraad ah. Laakinse haddii isagii aanu waxba ba haysan labadaa, dee waa faqiirkan la leeyahay hala siiyo qofkii. Read More …
Sonkorta Ma lagu bixin karaa Sakaatul Fidriga?
Bismilaahi Alxamdulilaah; Sonkorta Maya, sonkorta raashin ahaan baan loo isticmaaline waa faakihaysi oo iiyadu dee taashin ma noqotee waa sharaab uun weeye. Read More …
Hadhuudh baan meel galbeedkaasi ah ka beertay. Warqad baan dirtay oo waxaan idhi hadhuudhkaa ka bixiya fidrigii la igu lahaa. Fidrigaasi sidaa ma igaga gudmayaa?
Bismilaah Alxamdulilaah; Kol haddii dee uu yahay hadhuudhku raashin hagaagsan oo dee kii ay cunayeen ah. Wixii ay beertaanbay dee kolay dadka beeralayda ahi cunaan. Kolkaa haddii reerkii hadhuudhka hayay uu yidhi bixiya. Dee way soconaysaa oo isagiina way ka soconaysaa. Maxaa yeelay dee sakadii xoolahaba inuu cid u diro sida caruurtiisa kuwa roonroon amma dadka masuuliyiinta ah inuu yidhaahdo inaga bixiya sakadii xoolaha way u banaanayd. Markaa sakaatul fidrigiina inuu yidhaahdo iyagoo reerkii raashinkii haya oo uu kayimi inuu yidhaahdo aniga iyo idinkaba inaga bixiya Sakaatul Fidriga intuu waraaq u qoro, dee wuxuubay noqonaysaa wakaalasho. Mar haddii isagii masuulka ahaa uu wakiishay dadkii uu ka bixin lahaa qaar kamid ah waa wax iska banaan. Xaaskuu wakiilan karaa, inamadiisa waa wayn, hablihiisa waawayn ayuu wakiilan karaa inuu yidhaahdo inaga bixiya. Markaa midaasi waa mid ka ansaxaysa. Read More …
Qofkii Ramadaan dhexdeeda dhintay miyaa fidri la igu yeelanayaa ?
Bismilaah Alxamdulilaah; Waxa shardi ah in laba qaybood oo wakhtiga kamid ah qofkani koobsado. Qayb Ramadaan ah iyo Qayb Ciida ah. Nabigu CSW waxa uu leeyahay bisha Ramadaan marka laga afurayo ayay waajibaysaa. Markaa haddii qofkii aanu ciidiiba soo gaadhin, rabadaan dhexdeediibuu dhintayoo, inaan lagu yeelanayn ayay tilmaamayaan Fuqahadu. Iyagoo xadiiska daliishanayaa, oo uu qofkuna dhintay Ramadaan Dhexdeeda oo aanu ciidiina soo gaadhin. Laakiin Ilmihii yaraa ee Ramadaan Aakhirkeeda dhashay oo kale dee way ku waajibaysaa sakaatul fidrigiisaa inuu ka bixiyo waa wajib. Read More .

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com