Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Duqa Caasimada Hargeysa oo beeniyay Eedo Loo Soo Jeediyay‏

Duqa Caasimada Hargeysa Oo beeniyay Eedo Ay U Soo Jeediyeen Ururka Hilibleyaashu

Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa maanta beeniyay war ku saabsan in Maayarka Hargeysa uu jeebaddiisa ku shubto lacag dhan 65 kun oo Dollar, oo laga qaado Hilibleyaasha caasimadda Hargeysa, warkaasi oo lagu daabacay Wargeyska DAWAN ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.
Maayarku Caasimadda Hargeysa oo maanta u waramayay  qaar ka mid ah saxaafadda, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaasi waxaanu yidhi “Waxba kama jiraan warka ku soo baxay wargeyska Dawan cadadkiisii 15-kii bishan ee sheegayay in maayarka Hargeysa uu bil kasta jeebadda ku shubto $65 kun oo ka soo baxda  oo ah lacagta ka soo baxda shirkada kawaanka maamusha ee Maandeeq.warkaasi waa mid been abuur ah oo bulshada lagu marin habaabinayo.”
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xubnaha warkaasi beenta ah Wargeyskaasi ka qaatay ay  ahaayeen Hilibleyaal khal khal iyo fowdo ka dhex wada Iskaashatada hilibka ee Nafaqo ee magaalada Hargeysa. Kamana mid ah maamulka iskaashatada Hilibleyaasha,”ayuu yidhi Eng. Jiciir.
Maareeyaha shirkadda Kawaanka  ee Maandeeq C/Raxmaan Maxamed Aadan, oo isaguna maayarka ku weheliyay shirkaasi jaraa’id  ayaa been abuur cad ku sifeeyay warka wargeyskaasi ka qoray. Waxaanu ku dooday in dakhliga ka soo baxa kawaanka casriga ah ee Hargeysa uu yahay mid cad oo ay la socdaan Hanti-dhawrka guud ee qaranka iyo dawlada Hoose.
Maareeyuhu  waxa kale oo uu sheegay in ganacsato reer Somaliland ahi ay galiyaan dhismaha kawaankaasi lacag ka badan 400 oo kun oo dollar, lacagtaasina aanay wali ka soo bixin oo ay khasaare ka joogaan hase yeeshee ay sidaasi u sameeyeen wadaniyad iyo dadweynaha ku dhaqan caasimadu ay helaan kawaan casri ah oo caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

Guddoomiyaha Ururka Hilibleyaasha ee Nafaqo Siciid Ibraahim Faarax, oo ka hadlay halkaasi ayaa daadifeeyay hilibleyaasha warkaasi bixiyay oo uu xusay inaanay ka mid ahayn maamulka ururkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com