Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Waxa la Is Weydiin Doonaa Miyay ka Hor Yimaadeen (Wasiirradii Iscasilay) Barnaamijkii Xisbiga, Haddii Ay Noqoto HAA Inay Ka Hor Yimaadeen Oo Waliba Si Abaabulan Uga Horyimaadeen. Xeerka Xisbigu wuxuu Tilmaamayaa In Tallaabooyin Laga Qaado”

Muuse14Guddoomiyaha xisbiga talladda Somaliland haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ahna Murrashax ka mid ah tartameyaasha u ordaya murrashaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga dhexdiisa, ayaa si adag ugu hanjabay Wasiirradii iyo masuuliyiintii kale ee iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda, waxaanu tilmaamay in Xisbigu wax iska weydiin doono sidii abaabulayd ee ay isku casileen haddii lagu helana sharcigu jidaynayo in tallaabo ciqaabeed la mariyo.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu ku xusay in xubnaha is casilay aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin gedi-socodka xukuumadda, isagoo tilmaamay in Golaha Wasiirradu ay yihiin adeegeyaasha madaxweynaha oo aanay lahayn wax goo’aan siyaasadeed ah oo ay kaligood qaadan karaan.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu xalay ka hadlayay laanta afsoomaaliga ee idaacadda VOA-da, waxaanu xusay inuu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu cidda uu u arko inay xisbiga xilkiisa ka soo bixi karto uu taageero, waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waa Guddoomiyihii xisbigan aasaasay, madaxweynuhu caalamka oo dhan haddii uu xilka ka degayo waa khasab inuu cid u soo dhiso oo u soo barbaariyo.Markaa ceeb ma aha haddii uu aniga ama qof kaleba uu soo jeediyo oo uu yidhaahdo qof kaas ayaa ku habboon. Waxay ila tahay madaxweynuhu ma aha Komishaneer u dhex ah xisbiyadda. Maadaama oo uu odaygii xisbigan soo aasaasay yahay, waa ku waajib inuu cid taageero oo hawshaas ka bixi kara, mana ah wax laga cadhoodo,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

“Waxay ila tahay saamayn ku yeelan maayo, marka hore Wasiirradu waa dhawr iyo konton sagaal ayaa is casilay. Waad arragtaan oo dawladii way dhisan tahay. Ta labaad dawladdu waa dawlad madaxweynuhu maamulo oo madaxweynuhu awooda leeyahay. Ma aha dawlad baarlamaan ku fadhida, ninka Wasiirka ah madaxweynaha ayaa shaqadda qora. Wasiirraduna waxay madaxweynaha ka kaaliyaan hawshiisa iyo siyaasad gaar ah iyo awood ay leeyihiin oo gooni ahi ma jirto.”

Guddoomiye Muuse Biixi oo la weydiiyay saamaynta ay yeelan karto iscasilaada xubnaha Wasiirrada ahi, waxa uu yidhi “Wasiirradani waa qof aqoon-yahan ah oo madaxweynuhu uu karti ku doortay, beri buu dooran karaa, maanta wuu eryi karaa. Waxay ku xidhan tahay siday isku casileen ayaa horta sharciga loo eegayaa. Xisbiguna xeer ayuu leeyahay qofkii ku gefa xeerkaas waa lagu ciqaab mariyaa.”

“Waxa la is weydiin doonaa miyay ka hor yimaadeen (Wasiirradii Iscasilay) barnaamijkii xisbiga iyo xukuumadda. Haddii ay noqoto HAA inay ka hor yimaadeen oo waliba si abaabulan uga horyimaadeen. Xeerka xisbigu wuxuu tilmaamayaa in tallaabooyin laga qaado. Haddii ay arrin iska caadi ah noqotana qofku xisbigiisii wuu iman karaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com