Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DAAWO Abwaan Maxamuud Xasan oo loo yaqaanno (Halbeeg) oo ka mid ah da’yarta hibadda hal abuurnimo ALLE ku manaystay ayaa soo saaray gabay la magac baxay KAARIYE, oo uu ku faaqidayo khilaafka xisbiga KULMIYE.

Abwaan Maxamuud Xasan oo loo yaqaanno (Halbeeg) oo ka mid ah da’yarta hibadda hal abuurnimo ALLE ku manaystay ayaa soo saaray gabay la magac baxay KAARIYE, oo uu ku faaqidayo khilaafka xisbiga KULMIYE.

Abwaan Maxamuud Halbeeg, waxa uu gabaygan kaga hadlayaa khilaafka siyaasiga ah ee xisbul xaakimka KULMIYE, waxa uu ku sheegay in  Hoggaanka KULMIYE hor taallo  dhiilka nabsigii ay ka galeen shirkii Golaha dhexe ee kULMIYE ugu dambeeyay ee askartu xooga kaga saartay Guddoomiye Ku-xigeenkii labaad ee xisbigaas Cabdiraxmaan C/Qaadir oo Hoggaanka KULMIYE inta ay xisbigii ka saareen ka dibna ciidammadda ammaanka la amray in xoog lagaga saaro hoolkii lagu shirayay. waxaana maalintaas laga damqay dhaawac dhabarka kaga yaallay.

Waxa kale oo uu gabaygan ku soo qaaday abwaanku qaar ka mid ah Golihii Wasiirrada ee dhawaan is-casilay.

 

Warqadii Xubinimadda KULMIYE Lagaga saaray Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

Waxa Golaha dhexe loo akhriyay qoraal uu anshax marin ah oo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi ka soo qoray Gudoomiye Ku xigeenkii labaad ee xisbigaas Md. C/Raxmaan C/Qaadir Faarax  15-kii April 2012-kii, waxaanay waraaqdaasi u dhignayd sidan:-

“Mudaneyaal, markaan la tashaday Gudidda fulinta xisbiga KULMIYE waxaan sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa anshax marin ka dhan ah C/Raxmaan C/Qaadir Guddoomiye Ku xigeenka labaad. Md. C/Raxmaan C/Qaadir wuxuu dhawr jeer shirar jaraa’id oo uu si toos ah uga horyimid dastuurka iyo Barnaamijka xisbiga.

C/Raxmaan wuxuu si aan gabasho lahayn u cadeeyay inuu ka soo horjeedo barnaamijka xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku shaqeynayay kaasi oo ah barnaamijkii iyo dastuurkii lagu ansixiyay shirweynihii labaad ee 2008-dii. Mudaneyaal, Gudidda fulinta ee xisbigu dhawr jeer ayay waano iyo digniino u jeedisay C/Raxmaan C/Qaadir, hase yeeshee Mudanuhu wuu ku sii adkaystay sharci jabintii.
Waxaan u soo jeedinayaa Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inuu Goluhu ku anshax mariyo qodobka 56-aad ee dastuurka qaranka ee anshax marinta loo cuskado. Maadaama oo uu si toos ah uga horyimid dastuurkii iyo Barnaamijkii xisbiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com