26/42011(maantasomaliland)laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Warfaafinta Oo Beeniyay Is Faro-saareen Iyo Nuxurka Is-difaacooda April 26/42011
Hargeysa (Somaliland.Org)-Agaasimeyaasha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa ayaa warsaxaafadeed wada jir ah oo ay caawa soo saareen waxay ku beeniyeen inay is faro saareen, waxaanay ku doodeen in xidhiidh wada shaqo iyo iskaashi ka dhaxeeyo.
Labadaasi masuul waxa kale oo ay qoraalkooda ku sheegeen in Wasaaradoodu ku hawlan tahay horumarinta adeegyada ay bulshada u hayaan.
War-saxaafadeedka Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa iyo Agaasimaha TV_gu waxa uu u dhignaa sidan:-
“Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa Maxamed Siciid Muxumed iyo Agaasimaha Tvga qaranka Axmed Saleeban Dhuxul ayaa warsaxafadeed ay si wada jir ah u soo saaren caawa waxay ku beeniyeen warar been abuur oo ay qaar ka mid ah wargeysyada Somaliland ka soo baxa ay maanta dabaceen , kuwaas oo qoray in labada agaasime ay is faro saareen , taas oo ah been abuur an sal iyo raad toona lahayn .
Wasaaradda Warfaafintu habeen iyo maalinba waxay u taagan tahay inay ummadooda ugu shaqeeyaan si hawl karnimo iyo wadaniyadi ku jirto , u jeedada iyo hadafka ay wadaan masuuliyiinta Idaacada iyo TV-ga qaranku marna ka jeedin mayso hadal kasta oo la doonayo in lagu wax yeeleeyo hawlaha iyo adeega umada loo hayo .
Waxa fajiciso iyo la yaab ah in warbaahinta madaxbanaani ay soo qoreen hadalo iyo warar jirtaan kiisa aan la hubsan oo malo awaal ah .
Waxa xaqiiqo ah in warbaahinta madaxbanaani door shariif ah ay ka soo qaadatay nabada iyo dhismaha qaranka Somaliland , hase ahaate baryahan danbe waxa aad u soo badanaya hubsiimo la’aanta wararka xaqiiqada ka fog ee ay wadaan .
Waxaanu u cadaynayna war-baahinta qortay in masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta gaar ahaan Agaasimayaasha Idaacada iyo TV-ga ay is faro saareen aanay waxba ka jirin , waxa kaliya ee u dhaxeeya ay tahay wada shaqayn iyo is kaashi lagu fulinayo hawlaha ay ummada u hayaan , iyadoo sida laga war qabo wasaaradu bar yahan danbe ay wado talaabooyin lagu dardar galinayo qorshayaasha horu-marineed ee wasaaradda, kuna hawlan tahay horumarinta warbahiineed ee ay qaranka u hayso.
Sidaasi darteed mar walba waxay u taagan tahay is qiimayn iyo isa saxid, taas oo mar walbana ay wasaaraddu diyaar u tahay wada shaqayn buuxda oo dhex marta warbaahinta madaxbanaan dhamaanteed, iyagana laga doonayo marka ay maq-laan war , in ay la soo xidhiidhan wasaaradda si ay u ogaadaan xaqiiqada dhab ta ah ee jirta, si’aanay dib u dhicin wararkii aan jirin ee ay wargeysyada qaar daabaceen .
Waxaan ku soo gabo gabaynaynaa in saxaafada caadeysatay wax ka sheega hawl maal meedka goobaha shaqada ee dawlada in ay ka waan toobaan dacayadaha aan xaqiiqada ku salays-nayn ee ay qorayaan.” .
xuseen xarbi
hargaysa