24/42011(MAANTASOMALILAND.COM)Hargeys Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Axmed Caydiid, oo maanta xog-warran siiyey Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa ka warramay qorshayaasha Wasaaraddiisa ee dhinaca horuamrinta waddooyinka, isla markaana waxa uu sheegay inay ku tala-jiraan sidii loo samayn lahaa Jidad isku xidha Hargeysa iyo Burco, Somaliland iyo Jabuuti, Berbera iyo Ceerigaabo, iyo deegaanno kale
Hargeys Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Axmed Caydiid, oo maanta xog-warran siiyey Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa ka warramay qorshayaasha Wasaaraddiisa ee dhinaca horuamrinta waddooyinka, isla markaana waxa uu sheegay inay ku tala-jiraan sidii loo samayn lahaa Jidad isku xidha Hargeysa iyo Burco, Somaliland iyo Jabuuti, Berbera iyo Ceerigaabo, iyo deegaanno kale, iyo sidii ay u heli lahaayeen qalab looga faa’iidaysto Dhaaman iyo Biyo-xidheenno dalka laga hirgeliyo.
Wasiirka hawlaha guud, Xuseen Axmed Caydiid, oo ka hadlaya qorshayaashiisa dhaw iyo kuwa dheer-ba waxa uu yidhi; “Waxa ka mida Wasaaradda in tayadeeda kor loo qaado hadday aqoon tahay iyo haddii wixii lagu shaqaynayey tahayba. Xarumaheeda Gobollada, dhismayaashii iyo hoosooyinkii xarta guud iyo gobolladaba iyo tababbarradii in loo soo nooleeyo.” “Haddii sannad walba abaaro dhacaan oo ay joogto noqdeen inaynu wax qabsanno ayaa innala gudboon. Markaa, waxaannu isleenahay waxa wax weyn ka tari lahayd qalabkaa aannu maanta leenahay Wasaaradda hawlaha guud ayaa u baahan, hadday waddo la banneeyo tahay, hadday Biyo-xidheenno, Dhaamam iyo Harooyin la sameeyo tahayba, waxaana qorshaha dhaw iyo ka dheerba noogu jira in qalab la helaa.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlayey waxyaabaha uga meel-yaal sidii looga diyaar-garoobi lahaa dhibaatooyinka abaaraha ee soo noqnoqda, gaar ahaan biyo la’aanta, waxa uu yidhi; “Dhawr siyood baannu isleenahay u kala qaada oo Sanduuqan waddooyinka aannu ka kabkabnay waddadaa, sannadka dambe waxaannu isleenahay wixii uu qalab ka gaadhi karo ka fuur-yeela, oo haddii Illaa Gambadha illaa Tulid dhammaystirno kabkabkii waddada sannad iyo laba way inna sugi kartaabaa laga yaabaaye inaannu markaa wixii sannadka dambe ku soo dhaca sanduuqaa aannu uga faa’iidayno qalabkaa. Inay Wasaaradda Maaliyaddu ku talagasho mashaariicda horumarineed ee waddooyin, dhaamam iyo balliyo-ba leh, wixii qalaba iyo wixii ka dhinma oo labadaa isla helno oo qalabkiina noqdo mid aynu u helno wixii shidaal lagu siin lahaa ee ay ku tagi lahaayeenna noqdo wax Maaliyaddu ku talagasho. Markaa, qalabkaasi Sanduuqaa dhaqaalaha Waddooyinka iyo dhanka Wasaaradda Maaliyadda iyo wixii aynu caalamka ka helnaba annaga oo is-garab wadna ayaannu muhiimadda siinaynaa inaannu Wasaaradda qalabayno.”
“Waxa qorshaha noogu jira immaka kabkab baannu wadnaaye inaannu higsan karno samaynta waddooyin cusub, oo dalkani wixiisa wax ku qabsan karo, Miisaaniyadda kolba wixii uga go’I kara iyo wixii qalabkiisa ah inuu awooddiisa wax ku qabsado, oo dadkana lala kaashado waxaan u arkaa inaynu markaa higsan karno inaynu waddooyin cusub samaysan karno. Haddii 30 ama 50 Kiiloomitir (KM) sannadkiiba la qosheeyo oo sannadka dambe lagu daro, waxa weeyaan shantii sano 250 KM, taasina wax yar maaha, markaa waxaynu hawaysan karnaa wax intaa ka sii badan.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Wasiiirka Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Md. Caydiid, waxa uu sheegay inay dhakhso u curin doonaan dhismaha waddooyin cusub oo isku xidha dalalka Jabuuti iyo Somaliland, iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka, waanu yidhi; “Waddooyin cusubi waa lagama maarmaan, waddadaa Ceerigaabo iyo Ina-Afmadoobe, waddooyinka raaci karaa waxa weeyaan Burco iyo Hargeysa oo waddo isku xidha la sameeyo oo wareeggan dheer ee shidaalka badan, wakhtiga iyo kharashka badiya ee kirada dadka ku qaaliyeeya laga kabto oo mid toosa la mari karo. Jabuuti waddo innagu xidhiidhisa oo Boorama la mariyo ama Hargeysa-ba toos looga dhaadhiciyo, waddooyinkaa Xeebaha ee Berbera xidhiidhiya Bari iyo Galbeedba ka taga oo meelo badan lagaga safro oo ay ka mid yihiin Xeebaha Bariga Berbera oo aan gaadhi qudhi u badheedhi Karin inuu kaligii maro, taasina ay noqonayso in muhiimadda la siiyo waddadaa Xeebta illaa Maydh, Ceerigaabo, Bari loo kaxeeyo Laasqoray iyo Ceelaayo laga gaadhsiiyo, dhinaca Dhahar mid laga saaro ayaa loo baahanayaa.”
Gebagabadii kulankaa uu Wasiirka Hawlaha guud ku hortagay Guddi-hoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu kagaga dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa dhibaatada muranka dhulka oo uu sheegay inuu qayb ka yahay waxyaabaha nabadgalyada khalkhalin kara, maaddaama oo ay Guurti ahaan ka mid yihiin hay’adaha nabadgalyada iyo xasilloonida doorka weyn ka qaata ama ka shaqeeya.
XUSEEN XARBI
HARGAYSA/MAANTASOMALILAND.COM
HARBI_31@HOTMAIL.COM