27/4/2011(maantasomaliland)Xisbiga UCID Oo Ilma Ismaaciil Samatar Uga Digay Inay Marin Habaabiyaan Qurbo-jooga Gobolka Awdal
27/4/2011(maantasomaliland)Xisbiga UCID Oo Ilma Ismaaciil Samatar Uga Digay Inay Marin Habaabiyaan Qurbo-jooga Gobolka Awdal
Hargeysa – Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa si kulul u naqdiyay dhaqdhaqaaqyo Somaliland diid ah oo ay wadaan shakhsiyaad qurbo joog ah oo ka soo jeeda gobolka Awdal.waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay tallaabo adag ka qaado cidii falal qaranimada wax u dhimaya sameysa.
Afhayeenka xisbiga UCID Md. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta xisbigaasi ee magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in shacbiga gobolka Awdal ay yihiin Somaliland isla markaana mowqifkooda aanay bedeli karin shakhsiyaad qurbo joog ahi.
” Dadkan maalmahan wax sheeg sheegaya malaa maabkii ayaa ka khaldamay oo waxay moodayaan in Awdal ay ku taallo Soomaaliya, waxaan u sheegaynaa in reeer Awdal ay yihiin Somaliland. Waxaan u soo jeedinayaa shakhsiyaadka arrintaasi wadaa inay joojiyaan oo ay iska daayaan faro gelinta aan u meel marayn ee ay ku hayaan Somaliland,”ayuu yidhi Xasan Xuseen Codyare
Afhayeenka Xisbiga UCID waxa uu ku eedeeyay inay dhalinyarada qurbo jooga ah ee Awdal ay marin habaabinayaan laba nin oo walaalo ah oo ka soo horjeeda madax banaanida Somaliland kuwaasi kala ah Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Axmed Ismaaciil Samatar.
“Waxaan u soo jeedinayaa labada nin ee walaalaha ah ee Cabdi Ismaaciil iyo Axmed Ismaaciil Samatar inay joojiyaan marin habaabinta dhalinyarada, waxaan leeyahay dalkiina soo waydiista cafis, labadan nin waxaan leeyahay joojiya farogelinta qaawan ee aad ku haysaan dalkiina. haddii aad Soomaaliya jeceshihiin iskaga shaqo taga,”ayuu yidhi Afhayeenku.
Afhayeenka waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay sharciga hor keento cidii wada abaabul ka dhan ah qaranimada Somaliland ee ku adeegsanaysa magaca gobilka Awdal.
Md. Xasan Xuseen waxa uu sheegay in dadweynaha reer Awdal ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen dib u dhiskii iyo nabadeyntii Somaliland isla markaana ay martigeliyeen dawladii uu Hoggaaminayay Madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed Ibraahim Cigaal