Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa maanta magacaabay Guddi heer qaran ah oo agaasinta munaasibadda dabaal dega sanad guurada 20-aad

April 29th, 2011 (maantaSomaliland.com)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay Guddi heer qaran ah oo agaasinta munaasibadda dabaal dega sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland madax banaanideeda kala soo noqotay dalkii ay hore ula midowday ee Soomaaliya.

Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta madaxtooyada waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay guddi heer qaran ah, oo agaasinta u diyaar garowga sannad guurada 20 aad ee xuska maalinta qarranimada Somaliland ee 18 ka May.

Madaxwayneku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) guddidan heerka qaran ee uu u magacaabay, qaban qaabada xuska 18-ka May, oo uu gudoomiye u noqon doono Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa waxa ay kala yihiin sidan:-

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
2. Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda.
3. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.
4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga
5. Wasiirka Wasaaradda dhalinyradda, Ciyaaraha, dhaqanka iyo Dalxiiska.
6. Chief Of Protoclka Madaxtooyadda
7. Agaasimaha Maamulka Madaxtooyadda
8. Badhasaabka Gobolka M/jeex
9. Maayarka Caasimadda Hargeysa.

Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa uu ku booriyey xubnahaa uu u magacaabay qaban qaabada xuska maalintaa, in ay muujiyaan taariikhda ku duugan munaasibada ay leedahay maalintan 18ka May, waxaanu faray in ay hawshaasi xil mugleh ay iska saaraan, isla markaana ay si degdeg ah uga hawl galaan agaasinkeeda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com