Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay qaar ka mida Gobolada dalka iyo Gobolka saaxil oo wali ay abaartii hayso.
April,29,(maantasomaliland.com)- Waxaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka da’ayey gobalka saaxil ay abaartu sida xun u saamaysay roobab aad loogu diirsaday inkastoo xoolahii wali aanay helin baad maadama oo wali aanay biyahii roobku si fiican u gaadhin dhulka, hadana dadka xoolo dhaqatada ah ayaa aad ugu farxay raxmadan horta leh Eebe abaarti ugu badelay.
Abaarta oo sanadkan ay wehelisay biyo la’aan baahsan ayaa waxaa laga sii dareemayaa gobolkan saaxil oo aan wali la soo sheegin meel uu roob helay ama ka da’ay marka laga reebo tuulooyin shuux yari heleen.
Dadka xoolo dhaqatada ah oo intooda badan ay xoolahii ka raaceen abaartii sanadkan ayaa waxa ugu daran degmooyinka bariga berbera ku yaala oo inta badan xogta laga helaa yartahay ama gurmadka ay helaan yar yahay maadaama oo ay yihiin degmooyin xeebeed wadooyinkooduna ay bacaad u badan yihiin kuwaas oo ay maraan baabuuro (4WD)oo kaliya.
Xukuumada oo dhawr jeer gaadhsiisay gurmad abaareed degmooyinkaas ayaa hadana waxaa wali laga soo sheegayaa abaar iyo xaaluf aad u daran.
Waxaa inta badan dadku aad u hadal hayaan oo ay iska waraysanayaan ama telafoonada gacanta layska waydiinayaan meel uu roob ka da’ay, maadaama oo dadka ay soo martay abaar adag oo biyo dhaamis aad looga qayb qaatay xaga xukuumada iyo shacabka Somaliland si loo badbaadiyo dadka reer miyaga ah ee xoolahoodii ku ledeen abaartaas oo inta badan nolosha magaalooyinkuna ay ku xidhantahay.
Arrinka layaabka lah ee mar walba soo noq noqdaa waxa weeye iyada oo muddo lagu jiray abaar xun in hadana markii raxmaadkii Eehe bilowdeen ay biyahii iska socdaan oo ay Badda toos u gelayaan iyada oo aanay cidina ka faa’idaysan tacab la’aan sidii sanadahii hore.
Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo aanu booqanay habeen hore ayaa waxaa labada gabi maraayey doox Togdheer ee dhex mara magaalada Burco kaas oo ay soo rogeen roobab ka da’ay meelo badan oo gobolkaas ka mid ah,halka dadka guryaha bulalka ah galaana ay raadinayeen biyo ay cabaan maadaama oo aanay mijarooro ay biyo ka dhaansadaan lahayn, dadkuna waxay daawanayeen biyaha dooxa ee soconaya iyaga oo iswaydiin goorta ay arki doonaan biyo xidheeno ay Soomaliland yeelato.
Arrintan oo ay Gobolada Soomaaliland ka wada siman yihiin biyaha iska socda ee togaga wadankeena dhexmara, ayaa u baahan in si dhakhso ah wax looga qabto oo dawlad iyo shiciba loo tafaxayto sidii biyo xidheeno looga samayn lahaa si looga faa’iidaysto biyaas iska soconaya looguna badbaadiyo dadka marka ay abaartu timaado ama aanay abaar danbe biyo loo waayin.
maantasomaliland.com
xasan jaamac
berbera[if-recent max=”5″]