Maareeyaha Dekedda Berbera oo Jawaab ka Bixiyey Sababtay Keentay in Markab Berbera ku soo Xidhay Dib ula Noqdo Alaabt uu Siday
Hargeysa (Maareeyaha dekadda Berbara M. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa faahfaahin ka bixyay shalay sababaha keenay markab alaabo ganacsi siday uu db ugala noqdo Dekedda Berbera.
Maareeye Dirir oo shalay lagu martiqaaday Barnaamijka dadkaaga Maqal ee Telefiishanka Qaranka laga sii daayo, kaasoo masuulliyiinta xukuumadda hadba mid lagu martiqaado si shacabku u weydiiyaan waxyaabaha ay tabanayaan, ayaa Maareeyaha oo wax laga weydiiyay sababta markabkaasi alaabta ula noqday waxa uu sheegay in markabkaasi aanay haynin dekedda Berbera qalab awood u leh inuu ka dajiyo, wiishkii uu sitayna uu ka qarxa.
Maareeyaha oo ka hadlaya arrinta markabka waxa uu yidhi; “Horta Markabkaasi in badan baannu ka dacwoonay inaannu dekeda imanin, waayo waxaan la haynin awoodii uu iskaga dejin lahaa. Markabkani wuxuu la noqday Kontayrano oo khalka hose ku jiray, kadib markii wiishkisii cilad weyni ku timi oo u qarxay.Markabkan wuxuu ahaa kuwa Kontaynarada qaada, kuwaasina iyaga iska dejiya, laakiin Markabkan oo u samaysan qaabka Kontaynarad loo qaada, isla markaan sita wiishka lagu qaado.”
Maareeyaha Dekeda oo la weydiiyey sababta keentay in ganacsato reer Somaliland ahi kala soo degaan alaabahooda Boosaaso iyo halka ay hoos tagto maamulida dekedda Berbera, ayaa waxa uu ku jawaabay; “ Waxaan filayaa hadal hore mooyaane, inaanay iminka jirin warkaa odhanaya Bosaasa wax lagaala soo degaa, sababta ugu badani waxay ahaan jirtey waqtiga dejinta oo la odhan jiray dib-u-dhacbaa ku yimaad doon yaha, maaha maraakiibta. Doonyaha waxaannu iminka u samaynay qayb la yidhaahdo Maamulka Qaybta Doonyaha oo ka madaxbannaan waaxaha kale, mushkilad cashuureedna iminka ma jirto.
Tan madaxtooyada ee aad tidhi waxaad hoos tagtaan madaxtooyada, dekedu waxay maamul ahaan hoos tagtaa madaxtooyada, awal waxay hoos tagi jirtay markii haykalka dawladdan cusub la sameeyey Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, markii dambe waxa la hoos keenay madaxtooyada maamul ahaan, laakiin dekedu sideeeda waa hay’ad madaxbannaan oo maamulkeeda iyo socodsiinteeda madaxtooyadu waxba kuma laha, oo siday wasaaraduhu u hoos tagaanbay u hoos tagtaa madaxtooyada oo maamulkeeda way u madaxbannaan tahay