Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tartanka England Premier League ama premiership-ka Ingiriiska waxaa Axaddii la cayaaray laba kulan oo kaliya, waxaana ka dhashay ilaa 8 gool.

Cayaaraha England Premier League
Manchester City 5-0 Sunderland
Man City V Sunderland

Man City V Sunderland

Tartanka England Premier League ama premiership-ka Ingiriiska waxaa Axaddii la cayaaray laba kulan oo kaliya, waxaana ka dhashay ilaa 8 gool.


Manchester City, ayaa booska 3aad waxay kala wareegtay kooxda Chelsea, inkastoo ay 1 cayaar dheer tahay Man City.

Manchester City waxay 5-0 kaga badisay kooxda Sunderland. Shan cayaartoy oo kala duwan ayaa goolasha kala dhaliyay.

Gooldhalinta waxaa Man City u bilowday cayaaryahanka Johnson, oo daqiiqadii 9-aad dhaliyay gool.

Goolka labaad waxaa uu ahaa rigoore ama penalty uu dhaliyay Tevez daqiiqadii 15-aad.

2-0 ay ku hogaaminayso kooxda Man City ayaa lagu kala nastay.

Markii la isugu soo laabtay qaybta labaad ayaa cayaaryahanka Silva uu daqiiqadii 63-aad gool sadexaad u dhaliyay Man City.

Goolashu intaa kuma ekaan ee haddana Vieira oo markaas uun badal ku soo galay ayaa daqiiqadii 67-aad dhaliyay goolka 4-aad ee Man City.

Shan daqiiqo kadibna waxaa gooldhalinta soo gabagabeeyay cayaaryahanka Y Toure ee Manchester City.

Waxay ahayd guuldarro aysan filaynin kooxda Sunderland, gaar ahaanna in goolal badan looga adkaado.
Fulham 3-0 Blackpool
Fulham

Fulham

Cayaarta labaad ee Axaddii lafteedu goolal yar kama dhalan.

Fulham, ayaa 3-0 kaga badisay Blackpool.

Gooldhalinta waxaa bilaabay Zamore oo goolka koowaad u dhaliyay Fulham 23 daqiiqado markii ay cayaartu socotay.

Shan daqiiqo kadib ayaa isla Zamora uu gool labaad dhaliyay, iyadoo uu cayaaryahanka Etuhu uu gooldhalinta soo gabagabeeyay.

Fulham waxay sidaas booska tobanaan ee dhinaca liiska kala horaynta dhibcaha ay kala wareegtay kooxda Stoke.
Cayaarihii Sabtida
Stoke

Stoke

Stoke Sabtidii ayay barbarro la gashay kooxda Chelsea oo ay kala badin waayeen. Waxay ku kala baxeen 1-1.

Sidoo kale, Sabtidii Arsenal waxay garoonkeeda 0-0 ku kala baxeen kooxda Blackburn.

Manchester United-na 4-2 ayay ugu awood sheegatay kooxda West Ham oo waliba labada gool kaga hormartay kooxda Man U.

Waxay ahayd guul keentay in ay sii kordhiso dhibcaha ay ku hogaaminayso tartanka, oo hadda kadib natiijada cayaarihii Sabtida iyo Axadda kooxda ugu soo dhow waa Arsenal oo ay ka horayso 7 dhibcood kadib markii Arsenal ay ka faa’iidaysan waysay cayaarteedii ugu dambaysay si ay 3 dhibcood uga qaadato, walise Arsenal waxaa hal cayaar dheer Man U.
Cayaaraha kale:

Birmingham 2-1 Bolton
Everton 2-2 Aston Villa
Newcastle 4-1 Wolves
West Brom 2-1 Liverpool
Wigan 0-0 Tottenham

Tottenham, ayaa barbardhaca Sabtidii wuxuu u keenay in ay hoos uga dhacdo rajadii ay ka qabtay afarta koox ee sare in aysan ka harin.

Wigan wali liiska iyadoo ugu hoosaysa oo 31 dhibcood ayay leedahay, halka Wolves iyo West Ham ay 32 dhibcood leeyihiin mid walba.
BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com