Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Ciyaaraha iyo Caalamka + Akhriso

 Kooxaha Manchester United iyo PSG Oo doonaya Ronaldo iyo hooyadii oo koox la jeclaatay

Kooxda kubada cagta ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay ku raad joogto isla markaana ay doonayso ciyaaryahanka caanka ah ee Cristiano Ronaldo oo u ciyaara kooxda Real Madrid.

Lama sheegin dhaqaalaha ay ku baadi doonayso ciyaaryahankanka kooxdan Paris Saint-Germain, Hasayeeshee waxa soo baxaya  warar sheegaya in kooxdaasi ay isu diyaarinayso sidii ay u soo iibsan lahayd ciyaaryahankan oo ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan dhinaca weerarka.

Dhinaca kale kooxdiisii hore ee Manchester United ayaa iyaduna isku dayaysa sidii ay u soo daban lahayd ciyaaryahankan oo hada u muuqda mid ka soo taagan kooxda uu hada la joogo.

Laacibkan ayaa la sheegayaa in aanu ku niyadsamayn in uu sii joogo kooxda.

Ronaldo Hooyadii ayaa iyaduna warbaahinta u sheegtay in wiilkeeda ay jeclaan lahayd in uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo xiddigan kooxda calfan doonta…………

Wiil Uu Dhalay Zidane oo lagu magacaabo Luca Zidane ayaa kaadhka cas loo taagay ka dib markii uu madaxa ku dhuftay ciyaaryahan kale

Wiilka uu dhalay ciyaaryahankii caanka ahaa Zidane oo lagu magacaabo Luca Zidane goolkana u gala da’ yarta Kooxda Real Madrid ayaa garoonka laga saaray ka dib markii uu sidii aabihii ciyaaryahan ay isku dhaceen uu madaxa ku hirdiyay.

Laacibkan oo laf dhabar u ah da’ yarta  Real Madrid ayaa waxa ay ku tilmaameen dhacdadan mid si kama’a ah u dhacday.

Wiilka uu dhalay ciyaaryahan Zidane ayaa dhacdadan uu ku talaabsaday ay mar kale caalamka dib u soo xasuusisay falkii uu aabihii ku ka kacay wakhti ay iska hor yimaadeen Dalka Talyaaniga.

 Ciyaaryahan Lukaku oo ka hadlay Kulankii ay xalay iyo waliba filashadooda ciyaaraha dambe

Ciyaaryahanka caanka ah ee Romelu Lukaku oo afka hore ee weerarka uga ciyaara kooxda Everton ayaa sheegay in sanadkan ay u tahay sanadkii ugu wacnaa marka loo eego kooxdooda iyo waliba isaga xirfadaha kala gedisan ee uu garoomada la soo galay.

Laacibkan oo marka ay kubadu cagtiisa soo gasho loo fisho in uu dhaliyo iyo in uu meel ku haboon dhigo ayaa xusay in ay guntiga dhiisha iskaga dhigi doonaan sidii ay sanadkan meel fiican uga gaadhi lahaayeen horyaalka dalka Dalka Ingiriiska oo waji cusub yeeshay, ka dib markii afartii kooxood wandaafin jiray qirin qiir la geliyay.

Kooxda Everton oo xalay ka badisay Middlesbrough  ciyaar ku tirsanayd Capital One ayaa ciyaaryahankani waxa uu dhaliyay goolka labaad.

“In kasta oo aanu dhalin karaynay goolal badan, hadana natiijadu waxa ay ahayd mid wanaagsan, dhamaantayo waxa aanu nahay ciyaaryahano yaryar, oo hamuun u qaba ciyaarta” ayuu yidhi ciyaaryahan Lukaku.

Waxa uu ciyaaryahankani soo qaatay kulan hore waxaanu xusay in  in kasta oo ay isku dayeen in ay guul gaadhaan, hadana nasiibku uu ka hiiliyay.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Everton ayaa ka mid ah kooxaha sanadihii ugu dambeeyay awoodoodu ay kor u soo kacday, waxaana inta badan ka baqa la kulankooda kuwa awooda is biday.

 Chelsea oo doonaysa ciyaaryahan Navas iyo jawaabta uu ka bixiyay

Kooxda kubada cagta ee Chelsea ayaa maanka ku qabatay in ay la soo wareegto ciyaaryahanka caanka ah ee Ruben Neves, kaas oo wakhtigan u ciyaara kooxda kooxda Porto ee ka dhisan dalka Portugal.

Hadaba markii uu warkaasi suuqa u soo baxay ayaa waxa ay warbaahintu la xidhiidhay ciyaaryahan Ruben Neves laftiisa si wax looga waydiiyo wararkan soo baxaya iyo waxa uu ka leeyahay.

Waxa uu si cad u sheegay in aanu wakhtigan diyaar u ahayn in uu u wareego kooxda Reer London ee Chelsea, hasayeeshee uu damacsan yahay in uu noqdo calaamada kooxda Uu ka tirsan yahay ee Porto si ay ugu daydaan dhalaanka kooxdaasi.

“Waxa aan ku jiraa heshiis wakhtigiisu uu ku eeg yahay sanadka 2019-ka , wakhtigana waxaan ka fekerayaa keliya sidii aan horumar u gaadhsiin lahaa kooxdayda” ayuu yidhi ciyaaryahankani.

Dhinaca kale waxa uu intaasi ku daray in aanu marnaba maanka gelinin isla markaana aanay maskaxdiisa ku soo dhicin in uu ka tago kooxdiisa “Ma doonayo in aan iska tago, laakiin waxa iga go’an in aan noqdo astaanta kooxda si ay ciyaartooyga yaryar aan tusaale ugu noqdo” ayuu yidhi.

Hadalkan ka soo yeedhay ciyaaryahankan ayaa falaadh ku noqonaya kooxda Chelsea oo damacsanayd in ay ku buuxsato meel ka banaan oo ay gabadanada dhacaysaa uga soo galayso.

 Ciyaaryahan Aguare Oo Garoomada dib ugu soo laabanaya

Ciyaaryahan Sergio Aguero oo afka hore ee weerarka uga ciyaara kooxda Man City iyo gool haye Joe Hart ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan garoomada, ka dib dhaawac haleelay.

Sidaasna waxa warbaahinta caalamka u sheegay Tababaraha kooxda City Manuel Pellegrini, Waxaanu rajo ka muujiyay in ciyaaryahanadani ay ciyaaraha kooxdu yeelanayso ka soo qayb geli doonaan.

Ciyaaryahan Hart wuxuu caafimaadi doonaa Sabtida, hadii ay noqon waydana salaasada, halka Aguero uu ka soo ladnaaday dhaawacii cidhibta ka soo gaadhay, waxaanan rajo wayn ku qabnaa in uu dib u soo laaban doono beri ayaanan kala ogaan doonaa in uu sabtida safan karo iyo in kale” ayuu yidhi tababaraha kooxda City.

Dhianca kale tababaraha Kooxda Manchester City ayaa xusay in ciyaaryahan Silva Laftiisu uu ka ka soo kabtay dhaawacii haleelay bishii October ee aynu ka soo gudubnay.

Kooxda Manchester City ayaa waxa ku habsaday dhaawacyo kala duwan oo haleelay ciyaaryahanadeedii laf dhabarta u ahaa, waxaana la filayaa in ay todobaadyada soo socda dib ugu soo laabtaan inta badan ciyaaryahanadii dhaawaca kaga maqnaa garoomada.

 Suurtogalnimada In Uu Ciyaaryahan Alonso Dib ugu laabto Kooxdiisii hore Ee Liverpool

In kasta oo ay muddo dheeri ka soo wareegtay isla markaana ay hada xirfadisii wacnayd ka soo dhamaanayso waxa lagu waramaya in ay suurtogal tahay in ciyaaryahan Alonso uu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Liverpool oo uu muddo ka soo maqnaa.

Xiddigan oo markii uu ka yimid kooxdiisii hore ee Liverpool waxa uu tagay kooxda Real Madrid, waxaanu uga wareegay oo uu hada ku sugan Yahay Bayern Munich.

Mar uu ciyaaryahankani warbaahinta u waramayay waxa uu xusay in maalmaha soo socda ay kala cadaan doonto halka uu u wareegayo iyo mustaqbalkiisa ciyaareed  halka uu ku negaan doono “Maalmaha soo socda ayay kala cadaan doonta mustaqbalkayga ciyaareed” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in eheladiisu ay aad ula qabsadeen Magaalada Bayern ee ay kooxdu ka dhisan tahay isla markaana ay jeclaadeen in ay ku sii negaadaan “Qoskyagu waxa ay ka heleen nolosha Magaaladda Bayern, waanay la qabsadeen oo waliba jeclaadeen”

Ma  jiro war faafhaahsan oo ku saabsan in ay kooxda Liverpool la soo xidhiidhay ciyaaryahankan iyo in kale, hasayeeshee il wareedyo u dhuun daloola labada kooxood ee Bayern Iyo Liverpool ayaa sheegaya in ay sida ugu dhakhsaha badan ula kala wareegi doonaan ciyaaryahankan oo ka mid ah ruug cadaaga dhinaca dhexda, waxaanu si weyn u caawiyay kooxaha Bayern iyo Real Madrid oo uu Liverpool dabadeed u kala wareegay.

 Naymar Oo Uu aabihii sheegay in uu Barcelona heshiis cusub la geli doono..

Odayga dhalay ciyaaryahanka caanka ah ee Naymar ayaa warbaahinta calaamka u xaqiijiyay in wiilkiisu uu qalinka ku duugi doono heshiis cusub oo uu la galayo kooxdiisa Barcelona.

Ciyaaryahankan oo loo saadaalinayo in uu sanadkan meel fiican ka gaadho qiimaynta ciyaaryahanada calaamka ugu wanaagsan, ayaa waxa uu aabihii tilmaamay in wiilkiisa iyo qoyskooduba ay ku niyadsan yihiin in ay iska joogaan kooxda Barcelona,.

“Waxa aanu damacsanahay in aanu qalinka ku duugno heshiis cusub oo aanu la galno Kooxda Barcelona, waa hubaal taasi” ayuu yidhi odaygu.

“Waanu nasanay, waxaanan hubaa oo sida cadceeda iigu cad in ciyaaryahan Naymar uu kooxda sii joogo doono sanado badan” ayuu mar kale yidhi.

Ciyaaryahankan ayaa ka mid ah xiddigaha dhinaca weerarka aan looga dabo hadal horyaalka dalka Spain ee la Ligaha, waxaanu ka caawiyay kooxdiisa Barcelona in ay meel fiican ka gaadho horyaalka dalkaas oo ay hada hogaankaba u hayso

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com