DAAWO SAWIRO ;Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),oo uu Wehelinayo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Kaluumeysiga iyo Keyraadka Badaha Maxamed Xaaji Yuusuf Cilmi Maxamuud ayaa kormeer kusoo marey qeybo kamid ah Dhismaha Dekedda Berbera
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),oo uu Wehelinayo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Kaluumeysiga iyo Keyraadka Badaha Maxamed Xaaji Yuusuf Cilmi Maxamuud ayaa kormeer kusoo marey qeybo kamid ah Dhismaha Dekedda Berbera halkaas oo uu Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed(Cali xoorxoor),masuulyiintan ku tusey Qeybaha Dhismaha Cusub ee lagu kordhiyay Dekedda Berbera iyo waliba inta ay ka socoto qeybaha kale ee lagu kordhinayo Dekeddu.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoorxoor waxa uu uga waramey Madaxweyne Kuxigeenka iyo Wasiir Kuxigeenka Kaluumeysiga ahmiyada ay u leedahay shacbi iyo Xukuumadba qeybaha dhismaha Cusub ee lagu kordhiyay Dekedda Berbera taas,
oo uu Sheegay in ay tahay mid aan Joogsaneyn,ee ay wadayaan hadba heer ay gaadhsiiyaanba.
Waxa kale oo iyaguna dhinacooda goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Fahmi iyo Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin.
Dhinaca kale Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta kaga qeyb galey Magaalada Berbera Barnaamij balaadhan oo Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka baddu ku soo bandhigtey Xarunta Weyn ee Kaluumeysatada Berbera Kheyraadka Kaluunka Dalka iyo Shirkadaha ka gancasada oo ay goob joog ka ahaayeen Shirkada Potsmarine Ltd iyo Shirkado kale oo badan waxaana Munaasibadan goob jog ka ahaa Wasiirka Kaluumeysiga Cali Buureed iyo Agaasimhiisa Guud Maxamed Jaamac Fobag inkastoo Wasiir Kuxigeenka Kaluumeysigu Maxamed Xaaji Aadan Cilmi uu isagu daah furey bilowgii Carwada Kaluumeysiga Somaliland oo Berbera lagu qabtey taas, oo lagu gudoonsiiyay Shahaado sharaf uu ku muteystey dedaalada wacyigalinta Kheyraadka Baddaha Somaliland iyo Kaluumeysiga oo lagu dhiirigalinayo Kaluumeysatada taas oo mudadii uu joogay Wasaarada Kaluumeysiga Wasiir-kuxigeenka Wasaaradaasi Maxamed Xaaji Aadan Cilmi kor loo qaadey islamarkaana, ay isula waafaqeen Siyaasada Wasaarada Wasiirka iyo Agaasimaha Guud.