Wasiirka Duulista Iyo Hawada SL. Oo shaaca ka qaaday In Ay Diyaaradii U Gudbiyeen Xeer Ilaalinta Qaranka
Wasiirka Duulista Iyo Hawada SL. Oo shaaca ka qaaday In Ay Diyaaradii U Gudbiyeen Xeer Ilaalinta Qaranka
Hargaysa-(Qaran news)-Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay dacwad ku adan Diyaaradii lagu qabtay Madaarka Hargeysa, taasi oo hub u siday Maamul Goboleedka Puthland, waxaanay sheegeen inay xeer ilaalinta u gudbiyeen Xeer ilaalinta qaranka si maxkamad loo soo taago, waxa kale oo Xukuumada Somaliland sheegtay in kooxo ka socotay Qaramada Midoobay u xilsaaran xakamaynta hubka dalka yimaadeen isla markaana ay soo baadheen Diyaaradaasi.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah gudi wasiiro ah oo loo saaray go’aan ka gaadhida Diyaaradani Agabka Milatari u siday Maamulka Puthland oo waraysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in si rasmi ah dacwad ay ugu gudbiyeen xeer ilaalinta Qaranka iyo Maxkamada si danbi loogu soo oogo diyaaradan lagu qabtay Madaarka Hargeysa.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka dhawaajiyay in dhawaan dalka ay yimaadaan koox ka socota qaramada Midoobay una xil saaran xakamaynta Hubka kuwaas oo si weyn ugu kuur galay hubka saaran diyaaradaasi.
Hussein Harbi