Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddidii Tallo bixinta furista ururada siyaasada ayaa maanta sheegay inay dib u dhigeen in la shaaciyo natiijaddii macluumaadkii ay ka soo ururiyeen gobolada dalka.

(maantasomaliland.com)Guddidu waxay sheegeen in kulan wada tashi ah oo ay maanta la yeesheen madaxweynaha Somaliland uu u soo jeediyay in dib loo dhigo ku dhawaaqida natiijada illaa 18-ka May ka dib.

Guddoomiyaha Guddida Tallo bixinta Md. Saleebaan Yuusf Cali Koorre oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa waxa uu sheegay inay dhamaystireen macluumaad ururintii loo xil saaray waxaanu yidhi “ Sidaad ogtihiin-ba waxaanu ku jiray hawlahayagii gabogabada shirka oo aanu soo maray lixdii gobol caasimadahoodii iyo degmada Gabiley, waxaa qasriga Madaxtooyada maanta Madaxweynuhu noogu yeedhay la tashi uu nagala tashanayo sida ugu haboon iyo wakhtiga ugu haboon ee lagu dhawaaqi kari natiijada, madaxweynuhu wuxuu noo soo jeediyay isaga oo tixgalinaya in muwaadiniinta Somaliland 18May inta la gaadhayo ku Iidaan farxad, in go’aanka guddiga dib loo dhigo. Ka guddi ahaan waanu ka aqbalay Madaxweynaha maadaama laga yaabo inay ku kala duwanaan karaan bulshadu ama saaxiibo badan oo wada socdaa ama wakhtigooda ku wada qaataa inay fikirka ku kala duwanaan karaan ayaa madaxweynuhu gartay inay saaxiibadu fikirkooda sii wada wataan inta laga gaadhayo.

“Soo Jeedintaasi Madaxweynuhu gudida u soo jeediyay anaguna waanu ka aqbalay waxaanu u aragnay tallaabo loo qaaday xagii saxda ahayd, sidaa darteed guddigu ilaa 18 May in shaqadeedii aanu yara hakinay oo bilaabi doono marka la Ciiddo ka dib,”ayuu yidhi Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koorre.

S:Waxaad sheegtay inaad dib u dhigteen hawshii ilaa 18May wixii ka dambeeya, kolay natiijadii ayaa la idinka sugayay inaad madaxweyanaha u gudbisaan, maxay ahayd natiijada Madaxweynaha u gudbiseen marka laga yimaado go’aanka uu isagu qaadanayo?
J: Natiijo aanu u gudbinay Madaxweynaha ma jirto, waxaanu iskugu nimid la tashi, go’aankagayuna wali waxaanu ku jiraa hawshii baanu ku jiraa, wax natiijo ah oo aanu madaxweynaha u gudbinay ma jirto ee la tashi ayaanu madaxweynaha ugu tagnay

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com