Weftigii ugu cuslaa uguna tirada badnaa ee ka socda Somaliland ayaa maanta ka ambo baxay madaarka Hargeysa
Kuwaasi oo u kicitimay dalka Jabuuti oo ay kaga qeyb galayaan shir balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Ha’yada kaalmooyinka u qaabilsan Maraykanka.
Weftigaasi oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Agaasimeyaal, Ururada bulshada rayidka ah iyo Ganacsato waxa Hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose waxaanay Jabuuti kaga qey galyaan shir lagu darsayo kaalmooyin toos ah oo ay dawlada Maraykanku siinayso Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Hawlaha Guud iyo Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta.
Shirkaasi waxa uu socon doonaa muddo shan sanadood ah waxa uu qeyb ka yahay mashaariic hore Ha’yada USAID ay siisay 7 Wasaaradood oo ka mid ah Ha’yadaha dawliga, waxaana kulankan lagu qiimaynayaa baahiyaha sida loo kala horaysiinayo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo weftigiisu waxa kale oo mudada ay socdalka ku joogaan dalkaasi ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiinta wadanka Jabuuti oo ay kala hadli doonaan sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti oo ah laba dal oo daris ah.
xuseen xarbi
maantasomaliland.com/office hargaysa