Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa shir lagu dardar galinayo kor u qaadida Amaanka Dalka iyo sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen la yeeshay maalinimadii shalay hayadaha qaramada midoobay

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa shir lagu dardar galinayo kor u qaadida Amaanka Dalka iyo sidii labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen la yeeshay maalinimadii shalay hayadaha qaramada midoobay

1

Shirkan ayaa wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Waran-Cadde ay ku wehelanyeen Taliyeyaaha Kala Duwan ee Ciidamaha Ammaanka qarankan Somaliland .

 

Halka dhica Unisomna ayka Socden Saraakiil iyo masuuliyiin ku takhasusay dhinaca amaanta lagana wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa kor u qaadida amaanka .

 

Shirkan ayaa lagaga wada hadlay iskaashiga dhinaca amaanka waxaana ay wasaarada ka dalbadeen baahiyaha dhinaca amni ee jira kuwaasi oo ay doonayaan inay ka caawiyaan xukuumada Somaliland islana qaataan Wasaaradunu ay dhiibato baahiyaheeda wakhtiga dhaw.

 

Waxaa kale oo ay ka hadleen wariyeyaasha la xidho iyo sababaha loo xidho taasi oo ay wasaaradu cadaysay in shaqsiyaadka ay wasaaradu xidhay loo maray shifo sharciya oo waafaqsan dastuurka iyo xeerka warbaahinta ee dalkani u yaala taasina ay isla qaateen unated nation-ka iyo madaxda wasaaradu.

 

Waftidan ka socta unatednation-ka ayaa dalka yimi maalinimadii isniinta ee lasoo dhaafay kuna taariikhaysnayd 25/01/2016 waxaana maalinnimadii shalay ay shir la qaateen wasiirka arrimaha Gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada iyo dhamaanba haayadaha amaanka ee dalka waxaana shirkani ka dhacay xarunta wasaarada arrimaha gudaha

 

2 3 4 5

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com