Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Khilaaf adag ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay hor-joogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo ku xigeenkiisa Cabdalle Haybe (Cago-Lule),

Khilaaf adag ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay hor-joogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo ku xigeenkiisa Cabdalle Haybe (Cago-Lule), khilaafkaasi oo ka dhashay kadib markii ay labadaasi nin isku aragti ka noqon waayeen qaabka loo marayo xalinta arrimo siyaasadeed oo iyaga u dhexeeya.

Sida ay sheegayaan warar arrintaasi la xidhiidha oo aanu helnay Cali Khaliif iyo Cago-lule, ayaa haatan waxay ku kala sugan yihiin meelo kala duwan, waxaanay wararku sheegayaan in cago-lule iyo xubno isaga taabacsan oo ka tirsan kooxda Khaatumo ay ku sugan yihiin degaanka Boocame ee gobolka Sool, halka Cali Galaydh-na la sheegay in uu ku sugan yahay degaanka Buuhoodle.

Sidoo kale waxay wararku intaasi ku darayaan in khilaafkani uu sii huriyay kadib markii ninka ku magacaaban madaxweyne ku xigeenka kooxda Khaatumo, uu Cali Khaliif ku eedeeyay in uu ka gaabiyay dhamaanba hawlihii uu masuulka ka ahaa, isla markaana uu isagu masuul ka yahay xaaladaha kooxdoodda soo waajahay wakhtigan iyo in uu Cali Khaliif kelidii tuurta ku sito maamulkii kooxda Khaatumo.

Xubno odayaal iyo waxgarad ah oo si dhaw ula socday khilaafka hor-joogaha Khaatumo iyo ku xigeenkiisa ayaa wargeyska DAWAN u xaqiijiyay in lagu guul daraystay qorsheyaal la doonayay in la isugu soo dhaweeyo labadaasi nin. Hase yeeshee isku dayadaasi aanay waxba ka suurto-gelin.

Kadib markii sida ay sheegeen odayaashaasi Cali Galaydh iyo Cago-lule uu midba midka kale ku tilmaamay in uu isagu khaldan yahay, iyadoo aakhirkiinna dhamaanba isku dayadaasi ay noqdeen kuwo fashilmay.

Sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyadan ka soo baxay khilaafka hor-joogaha iyo ku xigeenka maleeshiyadda Khaatumo, isku daygii u danbeeyay ee lagu doonayay in la isugu soo dhaweeyo Cali Khaliif iyo Cago-lule oo todobaadkii hore ka dhacay degaanka Boocame ee gobolka Sool in lagu guul-daraystay.

Khilafkan u dhexeeya Cali Galaydh iyo ku xigeenkiisa ayaa la sheegay in uu muddo soo jiitamayay, iyadoo sanadkii hore dabayaaqadiisii mar ay odayaal degaanka ahi kulansiiyeen labada nin la sheegay in uu gacan ka hadal dhex maray.

Dhinaca kale wararka la xidhiidha khilaafkan ka dhex aloosan hogaanka maleeshiyadda Khaatumo ayaa lagu tilmaamay in ay muujinayaan bur-bur iyo kala-jab soo waajahay kooxda Khaatumo, kaasi oo u muuqda in ay dhawaan meesha ku kala yaacaan xunbahan la baxay Khaatumo.

 

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda kooxda Khaatumo ayaa mudooyinkan dambe u muuqatay mid sii saqiiraysa, iyadoo aanay jirin meel qudha oo uu ka taliyo xiligan degaamadda ay sheegtaan, halka uu khilaaf iyo is-qab-qabsi muddo soo jiitamayay ka dhex taagan yahay hor-joogeyaasha maleeshiyadaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com