Dhibaatooyinka Haysta Warshadaha Dalka Iyo Aragtida Wasaarada Ganacsiga
Saved under Warbixin
Tags: dalka, dhibaatooyin, Featured posts, warshadaha
Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Dhaqdhaqaaq dhinaca warshadaha ah, ayaa ka hanaqaaday Somaliland tan iyo sanadkii 1996. Warshadaha kala duwan ee tan iyo wakhtigaa ka hirgalay dalka oo u badan kuwo yar yar, ayaa waxay gaadhayaan 83, wershadood, sidaa waxa shaaca ka qaaday agaasimaha guud ee waaxda wershadaha ee wasaarada ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha mudane Salaan Cabdi Cigge.
Salaan oo u waramayay shabakada Wararka ee Somaliland.Org waxa uu sheegay inkasta oo muwaadiniintu dedaaleen oo ay isku day badan galeen, hadana ay wakhtigan shaqeeyaan ilaa 30 warshadood.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in wershadaha shaqeeyaa ay u badan yihiin, biyaha la sifeeyo, sharaabka, furshaanta, hargaha, saabuunta iyo kuwo kale oo waxsoosaarka yaryar ah.
Wershado badan, ayaa waxsoosarkooda lagaga maarmay, wixii debeda ka iman jiray oo aad loo ammaanay, wershado kale waa la hirgeliyay oo ma shaqeeyaan. Agaasimaha waaxda wershaduhu waxa uu tilmaamay in warshadaha fadhiya ay sabab u tahay qorshe la’aan markii hore ah iyo qaarkood oo wax soo saarkooda dalka ka waayay.
Agaasimaha guud oo ka hadlayay wasaarad ahaan shuruudaha ay ku xidhaan marka warshad la hirgelinayo, waxa uu sheegay in ay ugu horayso waxa loo yaqaano ‘Visibility Study’ oo ah in goobta laga dhisayo warshada la eego in ay macquul ku tahay in kale, waxa kale oo la eegaa waxa warshadu qabanayso, inta uu aduun haysto. Sidoo kale haddii ay shuraako yihiin in la wada hello qoraalkii maxkamadana soo bandhigaan. Arrimaha kale ee warshad looga baahan yahay waxa kamid ah in la eego in ay magaalada ama meelaha dadku degan yahay ka baxsan tahay. Arrimo kale oo wasaarad ahaan ay eegaan waxa uu agaasimuhu ku sheegay in ay waxyaabaha wershadahaas ka shaqaynayaan in dalka laga helli karo iyo arrimo kale oo khuseeya kala xadaynta gacanacsiga, sida in aanu warshado isku mid ah ama wax soo saarkoodu isku mid yahay layska dul keenin. Agaasimaha guud waxa uu sheegay in khaladaad badan oo arrimaha la xidhiidha in ay wershado badani wakhtigan u fadhiyaan. Waxa kale oo uu sheegay in khaladaad badan oo arrimahan ka mid ah ay wershado badani dhibaato caafimaad ku hayaan deegaanka iyo dadkaba, sababtuna waa iyada oo aan loo meel dayin halkii laga dhisayay.
Agaasimaha guud waxa uu soo dhaweeyay waxqabadka ganacsatada wershadlayda ah, balse waxa uu sheegay in ay wershalaydu fulin arrimo badan oo ay ka mid yihiin, xuquuqdii shaqaalaha, xuquuqdii badbaadada goobta shaqada iyo dhinaca caafimaadkaba.
Salaan Cabdi Cigge, oo aanu weydiinay dhinaca shaqaalaha bal in ay ogyihiin inta ka shaqaysa waxa sheegay in aanay ogayn, isla markaana aanay u soo gudbin. Md. Cige waxa yidhi “Intii aan xafiiska imid waxaan ka dalbay wershadlayda arrimo badan oo ay ku jiraan in ay soo gudbiyaan liiska shaqaalaha wershad kasta, balse way ka dhego adaygeen.”
Agaasimuhu waxa uu intaa ku daray in ay ka soo jawaabaan afar wershadood oo keliya, kuwaas oo kala ah Berbera Tannery oo hargaha samaysa, Ilo-Tango oo sharaabka ah, Samsam Food oo iyaduna sharaabka iyo waxyaabo kala ah, Nura Landuary Soap oo saabuunta ah, afartaas wershadoodna waxa uu shaqaalaha ka shaqeeyaa ku tilmaamay in ay ka badan yihiin boqol qof.
Arrimaha ay uga dhega adaygayaan waxa uu agaasimuhu ku sheegay in ay tahay xuquuqda dhinaca shaqaalaha oo ay doonayaan in aan la ogaan tirada shaqaalahooda, wax soo saarkooda iyo waxay shaqaalaha siiyaan. Waxa uu intaa ku daray in ay hay’adaha shaqaalaha u xilsaareen in ay soo ogaadaan arrimaha xuquuqda shaqaalaha la xidhiidha.
Agaasimaha guud wuxuu kale oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin in wershadaha la kala duwo wax soo saarkooda, oo sheegay intaasi dhibaato u tahay wax soo saarka, wuxuu tusaale u soo qaatay labada wershadood ee Saabuunta ee Burco, isaga oo sheegay in ishu eriga labadaa wershadood ay saamayn ku yeesheen wax soo saarkii.
Dhinaca cashuur dhaafka iyo dhiirigelinta mar uu ka hadlayay wax uu sheegay in cashuur dhaaf iyo dhiirigelintaba lagu sameeyo marka la ogaado xogtooda dhabta sida wax soo saarkooda, tirada shaqaalaha, waxsoo saarkooda iyo shuruudaha kala ee laga rabo. Agaasimaha wershaduhu waxa uu intaa ku daray in inkasta oo ganacsigu xoryahay hadana ay haboon tahay in wixii wershadaheenu soo saaraan in aan dibeda laga keenin. Wuxuu kale oo uu ugu baaqay wershadlayda in ay shuruudaha laga rabo fuliyaan si loogu fududeeyo.
Wuxuu kale oo uu tilmaamay in uu ka xun yahay muwaadiniinta hantida geliyay dalka balse ay ka fadhiyaan wixii qaybteen taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay sahan la’aan. Wuxuu carabka ku adkeeyay in wasaarad ahaan ay dhiirigeliyaan wershadaha balse ay haboon tahay in sahan la sameeyo, isla markaana aan lasamayn Duplication ama aan wershado isku mid ah la samayn.
faadumo cabdi muxumed
maantasomaliland.com/hargaysa/office