Somaliland: 20 Sanno Ka Dib Iyo Xamaasadda Qabanqaabadda Xuska 18-ka May qaybtii labaad
May 9th, 2011 Qormaddii tan ka horeysay waxa aynu ku soo qaddinay oo duuduub ahaanugu sharaxnay ujeedada aynu qormaddan u anbaqaadnay ooah,diyaar-garowga xuska 18-ka oo May ku suntan maalintii Somalilanddib ulla soo noqotay madaxbanaanideedii luntay, balseintii ay wanaag u arkayeen iyo dedaalkii ay ku jireen oo dhan in ayarragti ahaan ugu muuqdeen dawladdii kalle ee ay la midoobayeenkhalad.
Halkaas, marka ay marayso dabcan waxaa judhiiba bilowddaydibu-gurasho reer Somaliland lagu khasbay.Dibugurasho QaranDhaqan ahaan, labadda bulsho ee reer Somaliland iyo Soomaaliya ookalla duwanaa ka sokow, waxaa ay dawladda Talyaaniga iyo Ingiriiskuuga tageen labadda umaddood laba maamul oo nidaam ahaan kalla jaad ah.siddaas darteed, saraakiishii labadda dhinac waxaa markiiba soowaajahay is-faham la’aan ka dhashay dhinaca afkaarta ay ka turjumayaanee labadda dawladood ee ay ka soo kalla jeedaan.
Siddoo kalle, waxaacaddaatay in dawladdii Somaliland madaxdeedii tanaasulaadkii ay latageen Muqdisho iyo daacadnimaddii la eeday oo ay noqdeen awood ahaankuwo lagaga tirobadan-yahay golaha shacabka iyo guud ahaan laamahamaamulka dawladda wadaaga ah.Bishii Dicember 1961dii, saraakiil reer Somaliland ah ayaa waxaa ay kudhaqaaqeen Inqilaab ku kooban dalkii Ingiriisku gumaysan jiray,kaasoo ay ku doonayeen inay dib ugu soo celiyaan Xoriyadda dalkan.Saraakiishani waxaa ay ka duulayeen dareenka ummaddooda, waxaana ucaddaatay in sayaasadii midowgu fashilantay, maadaama aan dhinacyobadan laga eegin loo baahan-yahay in dib loo kalla guuro intaanarrintu fogaan.
Ka hor Inqilaabka, waxaa taariikhdu xustay in Saraakiishani ay laxidhiidheen dawladdaha la jaarka ah Somaliland, sidda Itoobiya iyoFaransiiska oo Jabuuti maamulayay. waxaana ay damaanad ku heleen inaan Faransiiska iyo Itoobiya midna wax weerar ama faragelin ahi kagaimman doonin Somaliland iyo in la xidhi doono Xuduudka labada wadan lawadaagaan Somaliland maalinta Inqilaabku dhacayo. waxaa kalle oo aydawladda Faransiisku u balanqaaday in ay siinayso mucaawimo dhinacwalba ah.
Laakiin, dedaalkaasi ma midha-dhalin, balse waxaa uu kamid-noqday astaamaha ugu mudan ee ku xardhan diiwaanka dibu-gurashaddaqaranimo.Faallo taareekheed oo uu mawduuc ku taxan geedi-socodka noloshaSoomaalida ka diyaariyay Cabdikarim Axmed Xusseen ayaa waxaa ku jiray,weedho u dhignaa.
“Taariikhdu waa shalay. Shalay waxay dhashay maanta.Maantuna waxay u rimantahay berri. Saddexdaas waqti waxaa ugumuhiimsan maanta oo ah kan wax laga bedelli karo natiijadiisa. Haddaansi kale u idhaahdo, wixii dhacay shalay dartood ayaa maanta xaalkuyahay, cid wax beddeli kartaana ma jirto aan ahayn Allaha macbuudkaah. Laakiin waxa maanta dhacaya in kastoo ay ka yimaadeen wixii shalaydhacay, haddana wax badan ayaa laga bedelli karaa si berri ay u noqotomid ka wanaagsan shalay iyo maanta.”
Argtidan ayaa ah midda salka uahayd yoolka ay hiigsanayeen Reer Somaliland. waxay doonayeen inaybedellaan khaladkii dhacay maalintii ay tageen Muqdisho. waana sababtainqilaabkaas iyo dhacdooyinkii ka danbeeyayba keentay.Yaan qalin-taraarine, isku-dayaddu waa ay badnaayeen.
Bishii May1962dii, waxa is casilay koox Wasiiro ah oo reer Somalilandah.kuwaasoo saluugay sad-bursigii jiray waagaas iyo hanaankii wax usocdeen.Abwaan Axmed Ismaaciil “Qaasim” eebe ha u naxariistee miyaanu odhan.
”Ayaantaan dhashiyo maanta oon uurka ka cirroobeyHashii aan intaa iyo intaa oon la daba joogeyHashii aan aroorida cidlada ah kula ugaadhoobayHashii markuu adhigu jabay araxdanaw quutayHashii aan Amxaarka iyo Kufriga ugu unuun gooyeyAyaantay hallawdaba hashaan daba adeegaayeyIrmaanaatay Maandeeqe waa ibo kureyseene”
Haa, dareenka suugaaneed waxaa uu ka mid ahaa dibu-gurashadda iyotilmaanta hungadda.
la soco cadadka danbe