Ciidanka Qaranka Oo Beeniyay Inay Ka Gadoodeen Dhul Uu Bixiyay Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyadda
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Jeneral Nuux Ismaaciil Taani, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war warbaahinta maxalliga ah qaarkeed baahiyeen shalay oo ku saabsan in ciidammada qaranku ka gadoodeen dhul ciidanku leeyahay oo uu bixiyey Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Jeneral Taani waxa uu si adag u beeniyey jiritaan war lagu daabacay shalay mid ka mid ah wargeysyada Hargeysa ka soo baxa, waxaannu arrintaas ku tilmaamay gef caddaan ah oo laga galay ciidanka qaranka Somaliland.
“Ma jiro wax dhul ciidanku leeyahay oo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyadu bixiyey iyo ciidan ka gadooday toona, warkaasina waa been-abuur cad oo uu sameeyey wargeyska Hargeysa Star cadadkii soo baxay Axad, 8 May 2011, arrintaasi waa gef iyo farogelin qaawan oo lagu sameeyey sharafta iyo karaamada ciidanka qaranka Somaliland, waxaanan Xeer-ilaalinta Guud ka codsanayaa inay dacwad ku soo oogaan cidda faafisay warkaas beenta ah oo sharciga la horkeeno,” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland.
Waxa kaloo Taliyuhu uu uga digay warbaahinta inay farogeliyaan dhawrsanaanta arrimaha ciidammada qaranka, taas oo uu sheegay inay tahay gef weyn oo aan saamaxaad lahayn.
Geesta kale, Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Yaasin Muxumed Cabdi, ayaa si kulul u beeniyey war ku soo baxay wargayska Hargaysa Star cadadkii 183 ee soo baxay 8.5.2011, kaasoo daabacay in guddoomiyuhu warbixin ka siiyey dhul uu ku sheegay in Chief of Cabinet-ka Bixiyey Burco oo uu siiyey nin way walaalo yihiin.
Badhasaabka ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been-abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aanay jirin wax dhul ah oo Chief Cabinetku bixiyey ama cid siiyey, “Waxaannu warkaasi u aragnaa mid xaqiiqda ka fog oo la been abuuray. Ma jirto wax war ah ama warbixina oo aan wargayskaasi siiyey, isagaana caddayn doona meesha uu warkaasi ka keenay, mana jirto dhul uu bixiyey Chief Cabinet-ku oo uu cid siiyey, waana wax lala yaabo waxa uu daabacay wargayskaasi.”
Guddoomiyuhu waxa uu wargayska Hargaysa Star uga digay in uu daabaco wararka been-abuur ah oo wax loogu dhimayo karaamada iyo sumcadda madaxda qaranka, “Waxaannu mar labaad uga fadhinaa wargayskaasi inuu soo caddeeyo halka uu ka keenay warkaas, maagalada Burco-na kama taagna wax buqa ama muran dhuleeda oo cid la siiyey,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka
nuur xasan