Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gabaygan cusub ee la baxay EN-JII-OO

Gabaygan cusub ee la baxay EN-JII-OO wuxuu ka digayaa waxyeelada hay’adaha UN-ta iyo kuwa kale ee Caalamiguba ay u geysan karaan dalka iyo dadka ay gacanta ku qabtaan haddaan laga digtoonaan.

Wuxuu gabeygu ku andicoonayaa inay suurta gal tahay dalka ay gacanta ku qabtaan hay’adahaasi in aanay horumar waara gaadhsiin doonin , laakiin ay suurta gal tahay inay u horseedaan dib u dhac dhaqaale , mid bulsho iyo mid siyaasadeedba. Bulshada ay gacanta ku qabtaanna waxay ku qaadan doontaa wakhti dheer sidii ay dib iskaga xoreyn lahaayeen Hay’adahaasi.

Gabayguna wuxuu yidhi :

Dunidii inay aamustaad , doorkan moodaaye.
Dadnimadii danbaa dhaaftayoo , dhimay damiirkiiye
Diiwaankii aqoontiyo waxaa lumay , kala danbayntiiye
Dilal iyo dagaalbaan ka jirin , degalladeenniiye
Dalaggiyo hadhuudhkaa u baxay , doorkan maanta’e
Dunidana dantoodaan ku jirin , delegyadaa baxaye
Ictiraaf dad kale kuu hayaa , waa dullaynimo’e

Dillaaliin aqoonlaa ka yimid , degelladii Yurube’e
Diyaarado dakeeyey wataan , darajo iib doona
EN-JII-OO dadbaa soo dirtoo , door u fulisaaye
Afrikadan dayacan bay rabaan , inay dillaalaane
Dhibaatada dad kale haysatay , dan u arkaayaane
Dano reer kale leeyihiin bay wataan , oo dahsoon gabiye
Dadaal iyo wax qabadoo dhan bay neceb yihiin , horumar daahira’e
Damiir iiba bay kaa rabaan , darajo booliya’e

Donald Yuu-En-tii soo dirtaa , Daahirow yimide
doonyo daqiiqoo da’doodii dhacday, doorkan keeneene
Yuu-En-tii dadkaba hagi lahayd , waa digtaytarade
dhul gariir dad uu laayey bay , sharaf ka doontaaye
Riboodhayday diraayaan dadkay dulin ku sheegaane
Degaankoo barwaaqo ah , ayey dayrin fidiyaane

EN-Jii-OO dal uu horumarshaa , dunida muu imane
dadkaygii aqoontaba lahaa , way afduubteene
Dad shisheeye sida loo baryey , daris ku siiyaane
dadka xoolahoodii dhaqdaa , helay dantoodiiye
Doolar lacaga bay soo gashaan , dawladdeeniiye
Dalaggiyo dhulkooday qotaan , dayrta ka horoowe
Dabashada kalluunkaa ka wacan , deeq baryootamahe

Dad harraadan macaluul duleed soo fadhiday , dunida keeneene
Deeqday i siiyaan waxay ii dhashaa , dib u dhac daa’ima’e
Damiirkaan i siinayna , inaan gado dadkaygiiye
Danyarnimaan ka door biday , inay dad i lahaadaane

Dadku waanay garaneyne waa , dawladnimo doone ,
Budhcad uu dad kale soo dirtoo , darajo loo yeelay oo dalay afduubaan rabaa , degelladii yimide,
Digtoonaada reeryohow ayaan dabin laguu dhigine

Danyartii dalkooday intaa , daah ku qariyaane
Dastuur uu dad kale meel dhigtey , dulim ku sheegaane
Dumarkiyo carruurtay intaa , dood u furayaane
Dhaqan uu dad kale leeyahay , kula dardaarmaane
Danyartiyo dadkaygey rabaan , inay dullaystaane
Dadnimada waxay moodayaan , dad ay xaraashaane
Daryeel uu nin kale kuu hayaa , waa dab aan damine

Dariiqyaan idiin jeexibay , dood ku sheegeeney
Doolar lacaga baan soo wadnaa , doorkan maanta ahe
Dunidaanu idin dhaafin bay , degelka keeneene
Danihiina dhaafoo nasugeey , kula dardaarmeene
Dillaaliin intaan baranayaa , dibu dhac ii yimide
Danihii dadkaygaa ku lumay , daba galkoodiiye
ballan qaad dad kale ii dhigaa , wuu i daashadaye
Sharaftuu dad leeyahayna waa , muroqoon daaleeyne
aan dadaallo yeynaan is odhan Donald baa qabane

Sharaftaba daliilkaa baxshoo , waa mid daa’imahe
Deeqduu En-jii-oo baxshaa , waa dab iyo naare
Gallaay ay dad kale soo baryeen ayey , dahab ku sheegaane
dalkaagey wax yeelaan haddaan laga digtoonaanin

Gabaygan waxaa curiyey Axmed Ibrahim kadleye. Waxaanu soo baxay 08/04/2011
Email : ahmed-kadleye@live.co.uk , London UK

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com