Cali Guray iyo Xusen Badbaax oo Wacad ku maray in ay Faysal Cali Waraabe Maxkamad Cagaha u Sudhi Doonan
“Gudida lagu sheegay Gudi anshax waa Nimo yar yar oo Faysal Dabada ku wato cid ay Xil ka qaadikaran ma Jiro”Xusen Badmaax
Gudoomiye Ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay Xilkii ucid ee Guddoomiye faysal cali waraabe ka qaadey. Waxaana Mujaahid cali guray fariin adag mar kale kaga baaqay baraha bulshada taas oo uu sheegay in guddoomiye faysal xil ka qaadistii uu ku sameeyey Guddoomiyihii Saddexaad uu deg deg uga laabto kana istaaqfuran leysto hadii kale oo uu sameyn waayana uu maxkamad cagaha u gelin doono. Qoraalkan cali guray arimahaas kaga hadlay ayaa u dhignaa sidan. “Gudoomiye Faysal haduu xeerka UCID ixtiraami waayo uu ku adkaysto inu xilka ka qaaday Gudoomiye ku xigeenkii UCID isaga oon xaq u lahayn waxa markaa qasab ah in aanu sharciga Somaliland oon maxkamadda geeyo anigu dacwad ku saabsan xilka qaadista ka dhanka Xeerka UCID. Hadii go’aanka maxkamaddu noqdo wuu ka qaadi karaa albaabka ayaan ka bixi doonaa. Waxan kula talinayaa Gudoomiyaha inu go’aankiisa dib ugu noqdo isaga oo raacaya Xeerka Xisbiga. Hadii uu ka noqon waayo markaa waa qasab in aan qaado talaabada keliya ee ii furan ee maxkamadda isaga ayaana igu qasbay” ayuu yidhi.
Xuseen xasan badmaax oo ah xog-hayaha xuquuda aadamaha ee xisbiga ucid oo ka mid ahaa lixda xubnood ee la sheegay in xilka laga qaaday islamarkaana ay waayeen, ayaa guud ahaanba deedefeyey islamarkaan gaashaanka ku dhuftay go’aankaasi iyo xubnaha la sheegay inay yahiin gudida anshaxa ee xisbigasi isaga oo sheegay in aanu gudoomiye faysal cali warabe aanu cidna aanu xilka ka qaadi karin iska daa xubinimada xisbigaasiye,waxaanu sheegay inay gudida uu sheegayna ay yahiin Inama yaryar oo u isagu dabada ku wato islamarkaana isaga u shaqeeya waa sida u hadalka u dhigaye.
xuseen xasan badmaax waxa kale oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin warqadaa lagu sheegay in isaga iyo xubno kale laga saaray xisbiga waxanu shegay in gudida anshaxa lagu doorto shirka golah dhexe islamarkaan tiradoodu tahay 45 xubnood balse aanu gudoomiyena aanu magacaabi karin toban qofna aanya noqon karin gudi anshax waxaanu yidhi