Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Hadlay Aafada Tahriibka Kana Waramay Xafiisyo Laga Tahriibiyo Dhalinyarada Oo Ku Yaala Hargaysa

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), oo  ka mida culumada ugu wawayn Somaliland ayaa si dareen leh uga hadlay dhalinyarada u dhashay dalka somaliland ,ee dalka intay ka Tahribaan ku dhimanaya Badaha shisheeye Kuna Eedayay Dadki Ka Musuulka ka ah oo ka gaabiyay.

Sheekha oo khudbaddii jimcaha ee shalay kaga hadlay masuuliyadda, ayaa sheegay in aafada tahriibka ay keenayso shaqo la’aanta dhallinyarada haysata iyo masuuliyad daro dhanka

Dawladda ah, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in cidda xilka ummadda haysaa si dhab ah wax uga qabato shaqo la’aanta isla-markaana laga fikiro sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa da’yarta.Sheekh Aadan-siiiro, waxa uu ugu horeyn ka hadlay sida ilaahay u karaameeyay ruuxa muslimka ah iyo qorshaha gaaladu kula dagaalamayaan taranka muslimka, waxaanu yidhi, “ciidammada ilaahay ee samada (ku sugan) iyo kuwa dhulka ku sugan, qof muslim ah hadday iskugu tagaan ilaahay naarta ayuu ku wada gurayaa, xadiisku wuxuu tilmaamayaa qofka muslimka ahi karaamada uu leeyahay, laakiin kuwa dunida maanta joogaa waxay yidhaahdeen haddii wax ku darsamaan 6.7 bilyankaa qof ee dunida jooga waxa lagu bakhtiyayaa yurub iyo maraykanka, markaa si aan loo bakhtiyin waa in Muslimiinta iyo afrikaanka la gaagaabiyo wayna qorteen, laakiin islaamku wuxuu ku hoggaamiyey inaan qofna la dili karin sabab la’aan.”

sheekhu waxa uu is waydiiyey, cidda leh masuuliyadda dhallinyarada reer somaliland ee dhawaan badda ku halligmay, “maxay carruurteennu ku dhimanayaan, maxay maanta u jiraan intaas oo ciidan ah iyo intaas oo tikniko, oo aynu leenahay sirdoon, iyada oo uu hargeysa xafiisyo ku leeyahay ninka dadka tahriibinayaa oo uu joogu, iyada oo nimanka wax tahriibiyaa hargeysa wada joogaan, gobol walba joogaan, carruurta ururiyaan oo ay ka diraan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “masuuliyadda caynkaas ah cidda lagu leeyahay ee qaadeysaa waa ayo?, ma waxa lagu leeyahay islaanka agoonta ah ee daasadda tamaandhaha ah ula kalaheysa siday carruurteedu u noolaan lahaayeen ?, mise waxa masuuliyaddaa leh kuwa maanta haddaynu baabuurtooda oo keliya xaraashno ay shaqo u samaynayaan boqol kun oo dhallinyaro ah ?.”

sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “maxaa doorashada la iskugu hayaa, waa si aad boqol guri u samaysato, waa si aad carruurtaada maraykan iyo yurub ugu dirto, maxaa loogu tartamaa wasiirnimada iyo agaasimenimada?, maxaa keenay in kuwii dunida saddexaad ee la sheego tagay u soo shaqo tagaan dadkaa ciidda cunaya?, waayo? maalintaa gurigaaga waxaad geynaysaa afar gaadhi oo (landcruiser), maalintaa carruurtaada jaamacadaha ugu qaalisan baad geynaysaa, maalintaa gabadhaada saladdeeda gaadhi landcruiser ah ayaa lagu doonayaa. waar masuuliyaddu maaha inaad tidhaahdo, wasiir baan ahay, agaasime ayaan ahay ama madaxweyne ayaan ahay afka ah.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in dalka laga samayn karo warshado yaryar oo dhallinyaradu shaqo ka heli karto, “markaan hindiya u tagay caafimaadka, ayaan inan ku idhi bal soo qiimee warshadda tamaandhaha (lagu farsameeyo), waa $ 57 kun oo dollar, 800 boqol oo dhallinyaro tahriibeysa ah ayay shaqo gelinaysaa. toban warshadood oo (lagu farsameeyo) kalluunkeenna oo aynu itoobiya ka iibino qiimahoodu kama badanayaan $ 5 milyan oo dollar, waxay warshadahaasi masruufi lahaayeen boqol kun oo dhallinyarada gobollada somaliland ah, laakiin qof keliya ayaa saacado ku qaata intaa aan idiin sheegayo, ilaahay hoggaan wanaagsan ha inna siiyo.”

sheekh aadan xaaji maxamuud, oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in carruurta badda ku dhimatay masuuliyaddooda ay leeyihiin masuuliyiinta xilka dawladda haya, waxaanu yidhi, “carruurtaa yaa masuuliyaddooda leh, lama wadaagayo ee waxa leh dadkaa leh masuuliyad baanu qaadnay, nafna naf kale dambigeeda ma qaadeyso, waayo? maalinta qiiyaamaha qof walba waxa lagala xisaabtamayaa inta masuuliyadda uu qaaday leeg-tahay. kuwa meesha haysta waxaanu leenahay waar ilaahay ka yaaba, waar carruurta badda ku dhimanaysa ilaahay kaga yaaba, waar wixiina waxba ha ka siinina ee waxooga uun qorshe ugu sameeya, waayo? carruurteenna (tahriibeysa) halkaynu ku tiirineyno ma joojineyso ictiraaf la’aantu, haddaynu hoggaan wanaagsan helo.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “waar dadkii caqliga lahaa ee cilmiga soo bartay, bannaanada ayay taagan yihiin ee shiraya oo hala keeno caqligii carruurteena lagu badbaadin lahaa, waxaynu u baahan nahay inaynu shaqo u abuurno carruurteenna badaha ku dhimanaya, waayo? ma soconayso ha tahriibin keliya oo meel soo taagan, markaa waxa loo baahan in arrinkaa loo gelo si dhab ah oo naf hurid ah, arrinkaa masuuliyaddeeduna waxay saaran tahay dawladda joogta.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com