Xaflad Lagu Xusayay 18-ka May Oo Caawa Lagu Qabtay Madaxtooyada
Xaflad Lagu Xusayay 18-ka May Oo Caawa Lagu Qabtay Madaxtooyada
May 18th, 2011
Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ka qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada.
Waxa kale oo xafladaasi ka qeyb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland, masuuliyiinta sadexda xisbi qaran, Wufuud ka socotay dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Saraakiisha Ha’yadaha caalamiga ah ee dalka ku sugan iyo dadweyne tiro badan oo lagu soo marti qaaday.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban oo ka jeediyay xuskaasi ayaa ajanabiga xafladaasi ka soo qeyb galay uga waramay marxaladihii ay soo martay qaranimada Somaliland waxaanu sheegay inay xornimadooda ka qaateen dawlada Ingiriiska 26-kii bishii June ee 1960-kii.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in dawladnimadii lixdankii ay ka heleen Ingiriiska maalmo ka dib ay si shuruud la’aan midow lagu hungoobay ay la galeen Soomaalidii Koonfurta ee Talyaanigu xukumi jiray.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay qaran dimuqraadi ah oo nabadoon haddana aanu wali jirin qaran kaliya oo aqoonsaday, waxaanu caalamka ugu baaqay inay Somaliland siiyaan aqoonsi caalami ah.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu u mahad celiyay marti sharaftii ajanabiga ahaa ee ka soo qeyb galay xafladan.Waxa Madaxweynaha ka hor xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda iyo xidhiidhka goleyaasha Bashiir Cabdi Xariir waxaanu u mahad celiyay marti sharafta ka soo qeyb gashay, waxaanu sharaxaad ka bixiyay nidaamka ay xafladu u soconayso. Xafladaasi waxa lagu soo bandhigay ciyaaraha qalaamo rogadka, suugaan iyo masrixiyado kala duwan.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa