Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jaaliyada Somaliland Oo Banaan Bax Aqoonsi Raadis Ah La Hortagay Guriga Baarlamaanka Ingiriiska

Jaaliyada Somaliland Oo Banaan Bax Aqoonsi Raadis Ah La Hortagay Guriga Baarlamaanka Ingiriiska

London (maantaSomaliland.com)- Boqolaal qof oo ka mid ah jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriiska ayaa maanta Banaan bax lagu taageerayay Madax banaanida qaranimada Somaliland ku hortagay Guriga Baarlamaanka Dalka Britain.
Jaaliyaddu waxay banaan baxan ku soo beegeen dabaal dega munaasibada 20 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland ee 18-ka May oo maanta gudo iyo dibadba si weyn looga xusay.
Dadweynahaasi oo sitay calanka Somaliland ayaa sitay boodhadh ay ku qoreen halku dhigyo ay dawlada Ingiriiska kaga dalbanayeen inay aqoonsadaan Somaliland oo ay sheegeen inay buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran Madax banaan.

Jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriisku waxay u gudbiyeen Guriga Baarlamaanka qoraal ay kaga hadlayaan xaalada siyaasadeed, Nabadgelyo, dhaqaale iyo dimuqraadiyeed ee Somaliland, waxaana qoraalkaasi loogu soo jeediyay dawlada Ingiriisku inay ku dhiirato aqoonsiga Somaliland oo ay ku doodeen inuu yahay qaran dimuqraadi ah oo xaq u leh in la siiyo aqoonsi dublamaasiyadeed.
Banaan baxan aqoonsi raadiska ah waxa kale oo ka qeyb galay siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Afaheenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) , xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda, Axmed Mirre iyo Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhegoweyne) oo labaduba ka mid ahaa Hoggaankii garabkii Milatari ee Ururkii SNM ee hoggaaminayay dagaalkii hubaysnaa ee shacbiga Somaliland kala hortagay taliskii Siyaad Barre.Waxa goobtaasi lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka

C/Qaadir Xasan Xandulle, oo ka mid ahaa dadkii banaan baxan ka qeyb galay ayaa saxaafada u sheegay inay muujinayaan taageerada ay u hayaan qaranimadda dalkooda hooyo “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay labaatan guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland, waxaanan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa muwaadiniinta Somaliland eek u dhaqan dalka gudahiisa iyo dibadiisaba waxaan leeyahay sanadkan sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo aqoonsi caalami ah oo Somaliland ka hesho beesha Caalamka.

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com