Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suldaanka Guud ee Sacad Muuse Oo Afur iyo Casho Ku Maamuusey Waxgaradka Beelaha Habar-yoonis iyo Habar Awal iyo Sadexda Mujaahid Ee Mire,Dhagaweyne Iyo Jidhif

Suldaanka Guud ee Sacad Muuse Suldaan Mawliid Ibraahim Sabeyse ayaa ku maamuusey afur iyo casho qeybo badan oo kamid ah duqeyda Salaadiinta,madaxdhaqameedka iyo odoyaasha ninqarta ah ee labada beelood Subeer-Awal iyo Habaryoonis Bari iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Mujaahidiin culculus oo martiqaadkaasi soo ajiibay.

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka hadley Afurka iyo Cashada lagu maamuusey sadexda Mujaahid Mujaahid Axmed Mire Maxamed, Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen(dhagaweyne),Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),ayaa sheegay in aan loo kala maqneyn cashada iyo afurka

lagu maamuusey Mujaahidiinta iyo Salaadiinta taas, oo uu fidiyay Suldaanka Guud ee Sacad-Muuse Suldaan Mawliid Ibraahim Sabeyse,Waxaanu Suldaan Guud ee Beesha Subeer-Awal hoosta ka xariiqey in kulankan cashada iyo afurka ah lagaga wada hadlayo arimaha danta guud iyo marxalada dalku maanta ku sugan yahey isagoo Xusey in kulanka sadexda Mujaahid ee Mujaahid Jidhif,Mujaahid Axmed Mire iyo Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne uu muhiimad u leeyahey qeybo badan oo Bulshada Somaliland ah.Waxa kale oo halkaa ka hadley Mujaahid Saalax Ibraahim oo sheegay in casuumada kale ee Mujaahid Axmed Mire u fidin doono Salaadiinta Subeer-Awal odoyaasha iyo waxgaradka iyo Mujaahidiintaba ay noqon doonto mid Geel lagu qali doono.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadley Rashiid Jaamac Dhari(sheekhu-Axmar), oo ka mahad celiyay maamuuska uu Suldaanka Guud ee Sacad Muuse u fidiyay Mujaahidiinta,Salaadiinta iyo Waxgaradka kale ee labada beelood islamarkaana, uu ku tilmaamay kulankani uu yahey mid kheyr iyo ijaaba qaba oo sidaa u socon doona

Duqeyda goob jooga ka ahaa kulankani waxey kala ahaayeen Mujaahid Xasan-Faas,Mujaahid Xamarje,Oday Cabdi Musbaar,Mujaahid Saalax Ibraahim,Boqor Maxamed Nuux,Rashiid Jaamac-dhari iyo Duqey fara badan oo  ay kamid yihiin Axmed Cali Jaamac,Axmed Ibraahim,Maxamed Weerar,Axmed Maxamed Jawhari,Mujaahid Rashiid Maxamed Ismaaciil,Xasan Cabdale,Odey Faarax Ibraahim,Suldaan

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com